Sheekh Maxamuud Abu Sheyba oo caawa muxaadaro ka jeediyey Nadwadii ka soctay Qardho

July 1, 2012 - Written by

Qardho:-Nadwo Cilmiyeedkii 9-aad ee ka socotay Masjidka Cumar Bin Khataab ee Magaalada Qardho ciwaanka sanadkan lagaga hadlayana uu ahaa Aayada Quraanka ah ee ( و من أحسن قولا ممن دعا إلى الله و عمل صالحا و قال إنني من المسلمين ). Waxaana sanad walbaa Nadwada lagu qabtaa Masjidka Cumar Bin Khataab oo ku yaala badhtamaha Magaalada Qardho.

Darsigalixaad waxaa caawa soo jeediyay Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Xasan “Abu sheybba”wuxuuna ka hadlay Mowduuc ciwaankiisu ahaa ( Midnimada Umadda iyo Ahmiyadeeda ku aadan  Sharaacada Islaamka –وحدة الكلمة في الشريعة الإسلامية) ugu horeyn waxa uu Sheekhu ku bilaabay darsiga sharxid guud oo kuu sameeyay erayga وحدة  iyo waxyaabaha ka dhalan kara eraygaa iyo waxa hoos iman karaya ,waxa uu intaa kadib uga gudbay in uu ka hadlo heerarka ay midnimadu leedahay.

 

Sheekh Abuu Sheyba waxa uu intaa kadib u galay in uu ka hadlo midnimadii Umadda Islaamka ah wuxuuna dhinaca kale sheegay tibaatooyinka uu horseedka ka noqday guumeysigu in ay Umadda Muslimka ahi dhaxalsiinay in ay dhexdooda isku mashquulaan wadan kastaana uu kan jaarkisa ah colaad iyo cuqdad u qaado , wuxuuna xusay  waxa uu gumeysigu umadda muslimka ah dhaxalsiiyay ama gaadhsiiyay ay tahay inuu ka dhigo mid kala furfuran .

Kadib Sheekhu waxa uu u galay in uu si guud uga hadlo midnimadii Umadda Muslimka ah iyo halkii ay bulshada muslimka ah ku hogaamisay ayna ka dhigtay kuwo is jecel hormar dhinac walba ahna sameeya badalka taasina ay gaalada saliiibiyiinta ahi ka xumaadeen hormarka Umadda Muslimka ah ku talaabsaneyso ayna u dajisay hagardaamoyin ay arintaa uga soo horjeedo wuxuuna xusay in hagardaamoyinkaa ay ahaayeen kuwo hadba heer soo gaadha .

Sheekh Maxamuud Sh. Axmed Xasan “Abu Sheybba” waxa uu xusay in Umadda waxaa ay ku kulansan yihiin ay tahay Diinta Alle iyo Sunadda Nabiga wuxuuna halka usoo qaaday Aayada ku jirta Suuratul Xujuraad ee ah (إنما المؤمنين إخوة فأصلحوا بين أخويكم …..آية) waxa uu sidaa oo kale soo qaaday Axaadiis Nabiga SCW ka sugnaaday kana hadlaya midnimada Muslimiinta wuxuuna soo qaatay Xadiiska Caanka ah ee (مثل المؤمنين في توادهم وتراحمهم كمثل الجسد الواحد……الحذيث) kadib Sheekhu waxa uu tusaaleyn ku sameeyay waxyaabaha ka dhaxeeya Umadda Msulimka ah wuxuuna qaadaa dhig ku sameyay Ayaadaha arintaa ka hadlaya iyo Axaadiiska ka sugnaaday Rasuulka CSW, waxa uu Sheekhu kadib soo qaday Aayada ka hadleysa Midmada Umada Muslimka ah ee (وأعتصموا بحبل الله جميعا ولا تفرقوا …..آية) waxa uu Sheekhu Aayada u soo qaday wixii ay ka yidhaahdeen Saxaabadii Nabiga iyo Culimadii salafka iyo wixii faham ah ee laga qaadanayo iyo wixii axkaam ah.

Sheekhu waxaa uu sheegay in Culimadii salafku ay qaabab kala duwan uga hadleen midnimada Umadda Muslimka ah wuxuuna dhinaca kale ka digay in Umadda Muslimka ah ay waajib tahay midnimadoodu kala tagoodana ay ka dhalaneyso in Umaddu ay noqoto mid kala fur furanta noqotana mid u dayacan cadowgeeda aakhirkana keeneysa in Umaddu ay noqoto mid iska raacda cadowgeeda ,waxa uu sidaa oo kale sheegay in kala taga ay ka dhalaneyso in umadu ay isku khilaafto sidii Yuhuud iyo Nasaaro isku khilaafto.

no images were found

Sheekhu waxaa uu dib ugu noqday qeybta dambe ee Aayada ee (وأعتصموا بحبل الله جميعا ولا تفرقوا …..آية) ha is khilfaafina wuxuuna cadeeday in is khilaafka Umada waxa  ugu horeeya ee ka dhalanayaa ay tahay in la waayo midnimada umada umaduna ay noqoto mid kala tagsan ,wuxuuna intaa raaciyay in diintu ka hadashay waxyaabaha ka dhalanaya kala taga ama is khilaafka umadda

Kadib intaa Sheekh Maxamuud Sheekh Axmed Xasan “Abuu Sheyba waxa uu u galay in uu ka hadlo arimaha la xidhidha is khilaafka dhinaca fikirka ah ee Culimada soo kala dhex gali karaya in uusana ahayn in Diinta la isku khilaafay ee waxa ay Culimadu ku kala fakar duwanaatay ay tahay qof kastaana sida ay masalada ula muuqado u sheegay ayna tahay mid dadaalkiisa iyo fikirkiisa ah ee aysan ka tarjumeyn guud ahaan Dinta, wuxuuna soo qaaday tusaale arintaa la xidhiidha oo ay in bulshada caamada ahi ay tidhaado culimadii ayaaba is khilafsane keeban raacnaa oo saxan.

Sheekhu waxaa uu intaa kadib u soo gudbay in waxa ugu muhiimsan ee la doonayaa in lagu midoobo ay tahay Diinta iyo Caqiiqada saliimka ah qodobka kale  waxa uu ku sheegay in ay tahay in lagu midoobo cibaadada ayna ugu horeyso Salaada oo jamaacada lagu tukado ,waxa uu halkaa ku lifaaqay hadal oo uu yidhi Sheekh Ibnu Xajar Al Casqalaani oo ahaa nin la ilaaliyo Jamacada Saladaha Cishe iyo Subax tasina ay ka dhalaneyso dadka desirska ahi in ay noqdaan kuwo isku xidhan iskana warqaba ,sidaa oo kale waxaa uu Sheekhu xusay in loo baahan yahay in Umaddu ay noqoto mid ka mideysan dhanka Maamulka iyo siyaasada

Sheekhu waxa uu inta kadib soo qaaday wax yar oo ka mid ah Taariikhda Andalus wuxuuna xusay in sababta ugu weyn ee Andalus ay gacanta Muslimiinta uga baxdaayi ay tahay is khilaaf dhexdooda ah iyo in ay gaalo isku soo hogaamiyaan , sidaa oo kale waxa uu Sheekhu soo qaaday maah maah soomaaliyeed oo ah rag is khilaafay way xabaalo badiyaan wayna xoola yareeyaan , wuxuuna xusay in waxa labadaa tusaale laga fahmayaa ay tahay khilaafka iyo waxa ka dhalanaya oo ay ugu horeyso in dadku cadow isku noqdaan sidaa oo kalena ay waayaan towfiiq wanaagsan.

Halgan.net
Qardho

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online