Socdaalkii Sh Cabdiraxmaan Sh Cumar iyo Xassan dhooye: Dhibaato culus ayaan Muqdisho ku soo aragnay[ Daawo Video-gan]

July 25, 2012 - Written by

Muqdisho:-Asbuucyadii la soo dhaafay ayaan gaarnay Aniga iyo Sh. C/raxmaan Sh Cumar Soomaaliya gaar ahaan, Muqdisho, waxaan u tegnay si is xilqaamid ah inaan daraasad ku soo samayno xaalada bani’aadamanimo, waxaan la soo kulanay arin aad u xanuun badan una naxdin badan, ma’aha arin aan filaynay, waxaan tagnay meelo fara badan oo baracayaal boqolaal kun gaaraya ku jiraan, waxaan soo aragnay arin indhuhu la ilmeeyaan, qalbiguna la murug oodo, hurdaddana lagu waayo. Waxaan u tagnay dad Soomaaliyeed oo muslimiin ah oo aan dhimana noolayn, waxaa isugu darsamay hunguri la’aan, hoy la’aan, hurdo la’aan iyo cudur iyo dacdaro oo dhan.

no images were found

Arinta aan ka hadlayo ma’ahan arin erayo kooban lagu cabiri karo, mana ahn arin qof aan arag looga sheekayn karo, laakiin waxaan rajaynayaa inaad Maqal iyo muuqaalba la arki doonto. Dadka intooda badani waxay degan yihiin waabab aan roobka iyo qoraxda ka celinayn, xiligan aan ku jiro waa xili roobaad, waxaa ku dhacay dadka Burunkiito, tabar yaridooda daraadood, kadibna TB isku badashay.

Hoos ka Daawo Video-gan oo aad ku arki doonto nolosha adag ee ay ku nool yihiin boqolaal barakacayaal ah

Fadlan marka aad Daawato Video-gan bixi jawaab ku haboon. Fadlan la soo xiriir cinwaanadaan hoose oo ku soo hagaaji tabarucaadkaaga. Haro waxay afurinaysaa 3 meelood fadlan ka qayb qaado oo ku afuri $2 qofkii maalintii, bishii waa lixdan$60, sidoo kalena $15 bac ay roob ka ka galaan ugu iibi qoys dhan. Meelahaana waa meelo ay ku jiraan Indhoola yaal iyo dad naafo ah.

Waxaad ku bixin kartaa sadaqaada online fadlan booqo www.harousa.org ama fadlan soo wac cinwaanadaan hoose.

Humanitarian African Relief Organization (HARO)Minnesota

3355 Hiawatha Ave South. Ste 202 Minneapolis, MN 55406

612-636-5338

info@harousa.org

California

6161 El Cajon Blvd # 912 San Diego, CA 92115

1(619) 741-9260

Seattle Washington

(619) 741-9260

 

Ohio

614-471-5329

614-207-2552

 

 

 

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Asc wr wb runtii videogan waxaa ku jirta fariin iyo waliba fursad qaali ah oo qofkii umadaan dhibaataysan maanta wax ku tara wuxuu heli doonaa kheyr aduun iyo mid aakhiro labadaba walaalaha soo gudbiyay ee halgan.net iyo culumada maalkooda iyo naftoodaba u huray in ay masaakintaas booqdaan xaalkooda dhabta ahna soo gudbiyaan waxaan lee yahay ilaahay ajar iyo xasanaad aan dhamaan ha idinka siiyo aamiin yaa allaah waxaan lee yahay walaalayaaloow ilaahay dartiis dadkaa masaakinta ah wax u tar waa bil ramadaan oo aan ognahay qiimaha ay leedahay qof duruuftaas ku soomana waan dareemi karnaa sida xaalkiisu yahay walalayaal fursadaan ka faa’idaysta insha allaah sc wr wb

  2. Assalaamu ca;elykum
    Walaalaha hawshan isku soo dubba riday Allaah haka Abaakl iyo ajar siiyo, waxaan ku talin lahaa dadka dalka jooga inaad ku dartaan oo aad Soomaaliya ku yeelataan xafiisyo si dadku ay kaalmadooda uga gaystaan waxaan filayaa inaad baaqayga gaarsiisaan Hay’adda HARO.

Leave a comment

*