Soomaalida ku dhaqan Yemen oo ay la soo daristay dhibaatooyin iyo cabsi xoog leh.

July 13, 2012 - Written by

Yemen:-Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan waddanka Yaman ayaa waxa la soo daristay dhibaatooyin iyo  cabsi xoog leh.Soomaalida ku nool gobolada kala duwan ee dalka Yaman, iyo kuwa qoxootinimada u galaya, ayaa waxaa la soo daristay dhibaatooyin ay kala kulmayaan dadka Yamaniyiinta ah,iyadoo uu sii siyaadiyo dareenka cabsida ah ee  ay ka qabaan in lala xiriiriyo xarakada Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidanka dalka Yaman, ayaa dhawaanahan soo saarayey warar ay aad uga naxeen dadka Soomaaliyeed ee dalkaas ku dhaqan, iyadoo ay soo baxayeen warar la xiriira in dad Soomaali ah ay isku qarxiyeen meelo dhowr ah oo  dalka Yaman ka mid ah.

Dadka Soomaalida ah, gaar ahaan dhalinyarada ayaa arinkaas waxa ay ku keentay inay la soo gudboonaato cabsi, maadaama iyagoon ka mid aheyn loo maleyn karo inay Al-Shabaab ka mid yihiin.

Ciidamada ammaanka ee dalka Yaman, ayaa kala garaneynin dadka ay ka shakisan yihiin ee ay Al-Shabaab la xiriirinayaan, iyo dadka nolosha u soo doontay Yaman, waxaana taasi ay keeni kartaa in dad qoxooti ku ah dalka, ama kuwa iskaga nool, loo dhibaateeyo howlo ayan ku lug laheyn.

Arintani ayaa waxa ay imaaneysaa xili  xarakada Al-Shabaab ay shaaca ka qaadday inay ka mid noqotay ururka Al-Qaacida oo qeyb ka mid ah ay ka dagaalanto dalka Yaman.

Halgan.net/Somalireal

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online