Tacsi:-ku socota Dhamaan Ehelada Maxamed Cali iyo Jaamac Maxamed oo shil gaari ku dhintay

July 21, 2012 - Written by

Garoowe:-Waxaan Halkaan Tacsi uga direynaa hadaan nahay Maamulka iyo Shaqaalaha Halgan.net wariye Maxamed Cali Cilmi oo shalay shilgaari ku dhinay waxaana uu shilka ka dhacay wadada u dhexeysa Gaalkacyo iyo Garoowe .Maxamed Cali wuxuu ahaa tafatiraha mareegta Taleex Media Wuxuuna ku noolaa in mudo ah Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Wariye Maxamed Cali ayaa maanta lagu aasay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland waxaana alle uga baryeynaa in uu janatul fardow geeyo Aaamiin.

Waxaa kale oo aan tacsi taas la mid ah u direynaa Dhamaan Ehelada  wariye  Jaamac Maxamed Nuur ( Jeelle)  oo isagana shilka ku dhintay waxaana alle uga baryeynaa in uu janatul fardow geeyo Aaamiin.

Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. aad baan ugaranayay maxamed sxbna waan ahayn mardowna geeri waxay ku fiicantahy nimaadan garanayn ilaah ha unaxariisto

Leave a comment

*