Wafdiga uu hogaaminayo Mark Bowden oo gaaray magaalada Garoowe

July 10, 2012 - Written by

Garoowe:-Waxaa galabta gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland Mr. Mark Bowden oo QM u qaabilsan arimaha gargaarka iyo wafdi uu hoggaaminayo waxayna kulan la qaateen Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.

Kulanka labada Masuul ayaa  ka dhacay xarunta Madaxtooyada ee Puntland waxaana ay ka wada hadleen sidii loo horumarin lahaa arrimaha bini’aadannimada iyo sidii  gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ka soo barakacay Koonfurta Soomaaliya ee ku nool gobalada Puntland.

Shir jaraa’id oo ay wada qabteen markii uu kulanka u soo dhamaaday Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole.iyo  wafdiga Qaramada Midoobay ayaa waxay ku sheegeen in xeryo cusub laga dhisi doono dadka u soo barakacay deegaannada Puntland kuwaas oo ay marwalba gubtaan xerooyinka ay ku nool ýihiin.

Mark Bowden iyo Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in kaalmada la gaarsiin doono sidoo kale deegaanada ay ka jiraan abaaraha kuwaas oo loo sameyn doono  wadooyin laami ah ;Wakiilka QM ayaa sheegay in ay ka go’an tahay xal u helidda dhibaatada bini’aadannimo ee ka jirta Soomaaliya oo dhan .

Wafdiga QM u qaabilsan arimaha bani’aadanimada ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusa Mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaana  wafdiga uu kulamo la qaatay masuuliin ka tirsan Maamulka degmada Dhuusa Mareeb

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online