Weerar khasaaro badan qeystay oo ka dhacay magaalada Gaarisa ee dalka Kenya

July 1, 2012 - Written by

Gaarisa:-Wararka ka imaanaya magaalada Garisa ee ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in lagu weerar garneylo kaniisad ku taal magaalada Garisa waxaana ku dhintay 17-qof oo laba ka mid ah ay yihiin saraakiil ka tirsan  oo booliska Kenya waxaana uu dhaawacu gaarayaa 50-ruux .

Taliye ku xigeenka ciidanka booliiska gobolka Waqooyi-bari ee Kenya, Philip Ndolo ayaa warbaahinta la hadlay goordhow ayaa sheegay in 17 qof ee dhintay dhamaantood la toogtay ka dib markii garneylo lagu weeraray  kaniisadaha ku yaal Garisa wuxuu yiri “Dadka dhintay waxaa ku jiray laba sarkaal oo boolis ah, iyo lix haween ah iyo laba rag ah,”

Isbitaalka guud ee magaalada Gaarisa ayaa la geeyey in ka badan 50 ruux oo ku dhaawacmay weerarka lagu qaaday kaniisadaha :magaalada Gaarisa ayaa ah mid aad u kacsan waxaana lagu soo daadiyey ciidamo aad u tiro badan waxaana ay cabsi la soo daristay dadka Soomaalida ee ku dhaqan magalada iyaga oo ka cabsi qaba in Booliska Kenya ay dhibaateeyaan.

Joornaalka ka soo baxa dalka Kenya ayaa ka hadlay weerarka ka dhacay magaalada Gaarisa halkan ka akhriso

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online