Xaflad Casho Sharaf ah oo loogu sameeyay magaalada Leicester Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Puntland

July 14, 2012 - Written by

Leicester:-Maalinimaddii Arbacada oo ay taariikhdu aheyd 11/07/2012 waxaa ka dhacday magaalada Leicester xaflad casho sharaf ah oo ay soo qaban qaabiyeen jaaliyadda reer Puntland ee magaalada Leicester, Xafladaas oo lagu soo dhaweynayey wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland Eng. Maxamuud Xaaji Saalax. Xafladaas oo u dhacday si aad iyo aad ah u heersareysa ayaa lagu soo bandhigay barnaamij dheer oo iskugu jiray wacyigelin, kalimado soo dhaweyn ah, suugaan iyo waliba hadalo qiimo ay soo jeediyeen dad iskugu jiray waxgarad, mas’uuliyiin hore iyo aqoonyahan ka kala socday bulshada qeybaheeda kala duwan ee magaalada Leicester.

Xafladaas ugu horeyn waxaa lagu furay aayado quraan iyo kalimado diini ah oo uu halkaas ka soo jeediyay Sh.Cabdalla Maxamuud oo ka mid ah culimada magaalada Leicester. Waxaa kale oo hadalo qiimo leh halkaas ka jeediyey Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliye Aadan Maxamed Cali, Suldaan Cabdiraxmaan Aadan Dude, Shakiib Dhoore, Cumar Xasan (Cumar Dheere), Cabdullaahi iyo Zahra Xubeero oo ku hadleysay magaca haweenka reer Puntland ee magaalada Leicester.

Ka hor intuusan hadalka bilaabin Wasiirka beeraha iyo waraabka Puntland waxaa uu dadweynihii halkaas iskugu yimid fursad u siiyay bal marka hore in ay la daawadaan barnaamij laga soo duubay waxqabadka wasaaradda Beeraha dowllada Puntland iyo waliba horumarka dhul beereedka ee deegaanada Puntland. Barnaamijkaas oo runtii ahaa mid aad looga helay loona jecleystay taasoo keentay in marar badan dadka loogu celceliyo ka dib markay dhowr jeer codsadeen.

Barnaamijkaas markii la daawaday ayaa dad badan waxa ay isweydiiyeen arintii aheyd in dhulkaas wax kama baxaan ay noqotay mid aan sal lahayn, ka dib wasiirku wuxuu halkaas ku bilaabay khudbadiisi la wada sugayey  isagoo ka waramay guud ahaan xaaladda Puntland iyo halka ay wax marayaan, wuxuuse si gaar ah aad uga hadlay Marxaladihii ay soo martay wasaaradda beeraha Puntland iyo heerkii ay gaartay tan iyo intii uu xilkeeda qabtay. Waxaa kale oo wasiirka halkaas lagu weydiiyay su’aalaaad fara baddan oo la xiriiray beeraha Puntland kuwaaso uu dadkii aad uga qanciyey.

Waxaa kale oo Xafladaas kasoo qeybgalay guddi matalayey jaaliyadda gabdhaha reer Puntland ee London oo ay ka dhex muuqatay abwaanadda weyn ee Muna Diana, iyadoo habeenkii xalay ahaa halkaas wacdaro ka dhigtay. Waxaa sidoo kale halkaas iyadan suugaan qiimo leh ku soo bandhigtay Siraad oo ka mid ah haweenka reer Puntland ee magaalada Leicester.

Xafladaas oo runtii aheyd mid aad u heer sareysa ayaa ugu danbeyntii waxaa halkaas loogu mahad celiyay dadkii sida diiran xafladdan u soo qabanqaabiyey oo ay ugu horeeyaan dumarka jaaliyadda reer Leicester gaar ahaan Faadumo Jabbaan, Xaliimo Xaaji Saalax, Sucaad Ceygaag, Fowsiyo Cartan iyo Zahra Xubeero.

Sidoo kale waxaa halkaas loogu mahad celiyay raggii iyagana ka qaatay barnaamijka kaalinta xooga leh sida Liibaan Xirsi, Cali Cusmaan (Cali Gacamey), Farxaan Cali Nuur, Guhaad Aadan, Wardi Aadan Maxamed Cali, Cabdirisaaq Dhamac, Diiriye Yare iyo qaar kale oo fara badan. Waxaa sidoo kale Xafladaas loogu mahad celiyay Bahda TVga SNtv iyo kooxda Maxamed Cabdullaahi Cartan.

Xafladaas waxaa xiriirinayey Cabdixakiim Jaamac Jooje.Mahadsanidiin

Guddiga fulinta ee jaaliyadda reer Puntland ee Leicester

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online