Afhayeen u hadlay Ugandha Felix Kulayigy oo sheegay in la helay diyaaradahii la raadinayey

August 13, 2012 - Written by

Nairobi:-3 ka mid ah diyaaradaha qumaatiga u kaca oo laga lahaa dowlada Ugandha ayaa waxaa la xaqiijiyey in la helay sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowlada Ugandha oo goordhow shirjara,id ku qabtay magaalada Kampala.

Afhayeen u hadlay dowlada Ugandha Felix Kulayigy ayaa sheegay in la helay 3diyaaradood oo ah kuwa qumaatiga u kaca waxayna sheegeen in ay ku kala degeen magaalada Garisa ,Wajeer iyo buurta Mt ee dalka Kenya wuxuuna sheegay in ay badqabaan askartii saarneyd diyaaradahaas. kuwaas oo gaaraya 28 askari. Felix Kulayigy saaka laba mar shirjaraa,id oo kala duwan qabtay

Dhanka Kale  Afhayeen u hadlay Ciidanka Kenya oo lagu magacaabo Eric Kiraithe  ayaa sheegay in ilaa 4diyaaradood ay leedahay dowlada Ugandha loo soo diray dalka Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan howlgalada ay ciidamada AMISOM ka wadaan Soomaaliya wuxuu sheegay  in ay baaritaano wadaan .

Taliyaha Ciidamada Miletariga ee dalka Ugandha Gen. Aronda Nyakairima ayaa sheegay in askarta iyo diyaaradaha la helay  loogu tala galay in ay ka qeyb qaataan duulaan ay ciidamada AMISOM qoreynayaan in ay ku qaadaan magaalada Kismaayo. Warar kala duwan  ayaa ka soo baxaya tirada ciidmada saarnaa Diyaaradaha iyo inta ay yihiin diyaaradaha  ay sheegtay dowlada Ugandha in ay heshay xili ay baartaan wadaan dowlada Kenya.

Joornaal ka soo baxa dalka Ugandha oo lagu magacaabo Newvision ayaa warbixin dheer ka qoray diyaaradaha laga leeyahay dalka Ugandha iyo halka ay ku sii jeedeen wuxuuna sheegay in la helay.

Halkan ka Akhriso warbixinta uu qoray Joornaalka NewVision Diyaaradaha ilaa shalay la baadi goobayey

Sidoo kale Joornaalka Daily Nation ayaa soo qoray in la helay Diyaaradihii la raadinayey  Halkan ka Akhri

Saxaafada Caalamka iyo tan East Afrika ayaa waxaa ka jira jahwareer ka dib markii ay saraakiisha ugu sareysa dowlada Ugandha ay hadalo iska horimaanaya saxaafada u soo bandhigeen.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online