Baarlamaanka cusub ee DFS oo guddi doorasho iska dhex magacaabay(Akhriso)

August 21, 2012 - Written by

Muqdisho:-Xubnaha Cusub ee Baarlamaanka DFS ayaa maanta kulankoodii Labaad ku yeeshay Xarunta gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis, waxaana maanta soo xaadiray 184 xubnood waxaana ay iska dhexdoorteen gudi soo diyaarin doona Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS iyo ku xigeenadiisa

Kulanka maanta ay ku yeesheen Xildhibaanada DFS  Xarunta gaadiidka Booliska ee degmada C/casiis ayaa waxaa shir guddoominayey Guddoomiyaha Kumeel gaarka ah, Gen. Muuse Xasan Cabdule.

Xildhibaanada DFS ayaa cod gacan taag ah ku aqbalay 15 xubnood oo baarlamaanka ka mid ah oo noqon doona  guddiga doorashada waxaana gudiga loo qaybsaday qaabka shanta beelood ee baarlamaanka lagu soo xulay, waxayna kala yihiin

    1. Ciise Maxamed Cali
    2. Feysal Cumar Guuleed
    3. Caadil Sheegoow Sagaar
    4. Maxamed Warsame
    5. Maxamed Ismaaciil
    6. Xasan Macalin Xuseen
    7. Cismaan Libaax
    8. Nuur Iidoow Beyle
    9. Maxamed Maxamuud Guure
    10. Ciise Maxamuud
    11. Sahro Jaamac Cali
    12. Caasho Xaaji Cilmi
    13. Khadiijo Maxamed Diiriye
    14. Fowsiyo Maxamed Sheekh
      15-Sahro CabdulqaadirC/Casiis Maxamed
      Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online