Baarlamaanka DFS oo doortay Guddiga doorashada Madaxweynaha

August 30, 2012 - Written by

Muqdisho:-Kulan ay maanta isigu yimaadeen xildhibaanada DFS ayaa waxaa lagu doortay Guddiga doorashada madaxweynaha kuwaas oo ka kooban ilaa 16 xildhibaan waxaana kulanka maanta ka soo qeyb galay 204 xidlhibaan .

Kulanka maanta ay isigu yimaadeen Xildhibaanada DFS ayaa waxaa shirgudoominayey guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka DFS Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyada oo sidoo kale lagu dhaariyey kulankii maanta xildhibaano cusub oo ay soo ogolaadeen gudiga soo xulida xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Baarlamaanka DFS ayaa dood iyo falanqeyn ka dib doortay  Guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya waxaana loo doortay xildhibaanada soo socda.

Jen. Muuse Xasan Cabdulle
Maxamed Cumar Maxamuud
Ibraahim Saalax Deyfullaah
Axmed Cismaan Ibaahim
Maxamed Sheekh Aadan Hiiraale
Daahir Amiin Jeesoow
Axmed Aadan Cabdiraxmaan
Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo)
Axmed Aadan Axmed
Cismaan Libaax Ibraahim
Aweys Cabdullaahi Ibraahim
Khadiijo Maxamed Diiriye
Maryan Cariif Qaasim
Saynab Maxamed Caamir
Sacdiyo Careys Ciise
Muumino Sheekh Cumar

Guddigan ayaa markii la doortay waxaa ansaxiyey inta badan xildhibaanadii kulanka ka soo qeyb galay maanta kuwaas oo gaarayey 204 xildhibaan ,gudiga ayaa go,aan ka gaari doona xiliga la qabanayo doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya iyada oo loo badinayo in ay dhacdo 10 bari ka dib.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online