Bayaan ka soo baxay shirkii culimada iyo ducaadda salafiyiinta ku yeesheen Kenya
August 6, 2012 - Written by
Nairobi:-Waxaa maanta magaalada Nairobi lagu soo gabagabeeyey kulan labo maalmood socday oo ay ka soo qayb galeen qaar ka mid ah culimada iyo ducaadda Soomaaliyeed ee Kenya. Shirkaas waxaa looga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin:
- is waraysi iyo xog kala qaadasho
- Wada tashi ku wajahan dib u habeynta dacwada
- Sixidda iyo ka hortaga manaahijta qalloocan ee doonaysa inay ku dhex dhuumato manhajka saxda ah salafka.
Dood iyo falanqayn dheer ka dib culimada iyo ducaaddu waxay isku raaceen:
- 1-In dibu-habayn lagu sameeyo dacwada oo la dardar galiyo, lana xoojiyo isku xidhnaanta iyo iskaashiga ducaadda iyo culimada.
- In laga hortago manaahijta qalloocan ee doonaysa inay ku dhex dhuumato manhajka saxda ah ee salafu saalix. Sida; kooaxaha takfiirka ah ee faafinaya manhajka khawaarijta, kooxaha banaysanaya dhiigga muslimiinta iyo guud ahaanba kooxaha kale ee soo noolaynaya caqiidooyinka firqooyinkii lunsanaa.
- In culimadu ay mowqif mideysan ka yeeshaan masalooyinka caamka ah iyo dhacdooyinka cusub ee hadba soo kordha.
- In la xoojiyo kaalinta ay culimadu ku leeyihiin heshiisiinta, hoggaaminta iyo sixidda bulshda Soomaaliyeed.
- In culimadu kaalin libaax ku yeeshaan horumarka shacabka iyo u gurmadka meelaha ay ka dhacaan musiibooyinka guud.
- In mudnaan gaar ah lasiiyo daryeelka iyo waxbaridda dadka soo islaamaya ee kala duwan, loona sameeyo goobo wax lagu baro.
- In looga digo dadka falalka waxyeelada u gaysanaya Muslimiinta dalka ku nool iyo diintooda, sida qarxinta goobaha dadwaynaha, goobaha cibaadada iwm, taas oo keeni karta in lagu ugaadhsado meelaha ay ku yaryihiin ama masaajida la gubo.[nggallery id=214]
Gabagabo:
Waxay culimada iyo ducaadda isu timid ugu baaqayaan ummadda soomaliyeed: Inay Allaah ka baqaan, diintoodana si wada jira u qab sadaan, ayna diintooda ka qaataan culimada lagu kalsoon yahay, kuna dadaalaan walaalnimadooda iyo wadajirkooda, khilaafkoodana ku xalliyaan wada hadal iyo walaaltinimo si waafaqsan shareecada islaamka.
Waxaa kulankan ka soo qayb galay culimo iyo ducaad badan oo ay ka mid yihiin:
- Sh Maxamed Cabdi Umal
- Sh C/Raxmaan Sh Cumar
- Sh Xasan Ashkir
- Sh Maxamuud Shible
- Sh C/Qaadir Boobe
- Sh C/Wahaab Isxaaq
- Sh Maxamed Ibrahim Shakul
- Sh Cismaan Maxamuud
- Sh. C/laahi Nuur Abul-fadli
- Sh. Axmed Sulub
- Sh. Maxamed Cismaan Calasow
- Sh Faarax Mire Rooble
- Sh Faarax Maxamed Jeenihaar
- Sh C/Wahaab Cismaan
- Dr. Axmed Xaaji C/ladiif
- Dr. Adam Sh Cali Saalax
- Dr. Maxamed Maxmuud Cali
- Dr. Adam Inshaar
- Dr. C/laahi Xasan Ibraahim.Halgan.net

.gif)

