Ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM oo sheegay in ay qabsadeen Garoonkii Diyaaradaha ee NO-50

August 4, 2012 - Written by

Afgooye:-Wararka naga soo gaaraya gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in saaka ay Ciidamada DFKM oo  kaashanaya Ciidamada  AMISOM ay dagaal ku qaadeen Garoonkii Diyaaradaha ee NO-50 waxayna duulaanka ka soo qaadeen Saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Laanta Buure.

Dagaalka oo socday saacad ayaa waxay u suurto gashay ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM in ay qabsadaan Garoonkii Diyaaradaha ee NO-50 iyo Tuulooyin ku dhow dhow :Saraakiisha ciidanka DFKM ayaa saxaafada u sheegay saaka in ay dagaalka qaadeen ayna guulo ka gaareen.

Afhayeenka Ciidamada xooga dalka Jen. Cali Caraaye Cosoble oo loo yaqaano (Gacma-duule )ayaa la hadlay saxaafada wuxuuna sheegay in ay Al-Shabaab ka saareen garoonka diyaaradaha NO.50 iyo tuulooyin ku dhow wuxuuna sheegay in wili dagaalka uu socdo ayna haatan ku sugan yihiin Deegaanka Aala-Yasir .Jen Gacma-duule ayaa ku goodiyey in ay qabsan doonaan magaalada Marka ee Gobolka Shabellaha Hoose halkaas oo xarun weyn ay ku leeyihiin Ururka Al-Shabaab.

Ilaa haatan ma jiraan saraakiil iyo madax ka tirsan Ururka Al-Shabaab oo ka hadlay dagaalka ka socda Gobolka Shabellaha Hoose iyo guulaha ay ku faaneyso DFKM.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online