Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay magaalada Marka

August 27, 2012 - Written by

Marka:Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta  gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay goordhaw la wareegeen magaalada Marka ee xarun ta gobalka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo wata gawaari badan oo kuwa gaashaaman ah ayaa saaka duulaan ka soo qaaday  deegaanka Number-60 waxaana u suurto gashay in ay si nabad galyo ah ku qabsadaan deegaano badan oo ka tirsan gobalka Shabeellaha Hoose .

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur oo goordhaweyd la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada DFS oo taageero ka helaya ciidamada AMISOM ay la wareegeen Degmada Marka oo ay in ka badan 3 sano ay ka talinayeen Ururka Al-shabaab.

Intii aan magaalada Marka aysan qabsan ciidanka AMISOM iyo kuwa DFS ayaa  magaalada Marka waxaa xukun dil ah ku fuliyeen ururka al-shabaab iyaga oo toogtay ilaa 3 qof oo ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen jasuusiin .

Ilaa haatan ma jiraan cid ka tirsan Saraakiisha Ururka Al-shabaab oo ka hadlay dagaalada ka dhacay maanta gobolka Shabeellaha Hoose

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. magaalooyinkii oo dhan waa ay u baneeyeen amisom iyo itoobiya baladweyne baydhabo afgooye marka mantay u danbaysay hal magaalo xabad kama aysan ridin maxaytahay sirta ku qarsoon in ay iskaga tagayaan oo aysan la dagaalamayn xabashida iyo yugandhiska oo ay ula dagalayaan qabaaisha somalida rasulku run ayuu shegay marka u lahaa

    ولقد صدق قول النبي عليه الصلاة والسلام: يقتلون اهل الإسلام ويدعون أهل الأوثان

    Suasha labaad wali marakteen shabaab oo magaalo ka qabsaday itoobiya kinya iwm amaba al qaacida oo magalo ka qabsaday bal u fiirso wadamada qaacida ay ka wado galada sacuudi arabiya yamen ciraaq tunis maser jazaair suudaan iyo carabta oo dhan waligeen ma maqasheen qaacida oo weeraray ama qabsatay magalo gaalo marka laga reebo qaraxii ay fuliyeen maraykanka iyo yahuuda ee daarihi dhaadheeraa walahi ma maqlaysid mana dhicin rasulkuna run ayuu shegay

    ولقد صدق قول النبي عليه الصلاة والسلام: يقتلون اهل الإسلام ويدعون أهل الأوثان

    Aloow maantay cayr ama abgaal mey weeraraan marka wale afkaa ciida loo galin lahaa bootada shabaabna idaacadahaa lagama fariisteeen.

    war culumada layntooda iyo caydooda iskadaaya oo iska dhacsha gaalada

Leave a comment

*