Ciidanka Booliska Gaalkacy oo gacanta ku dhigay 4 dhalinyaro ah oo sitay walxaha qarxa laga sameeyo

August 21, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Ciidanka Booliska ee magaalada Gaalkacyo ayaa howl gal ay sameeyeen caawa waxaa ay gacanta  ku soo dhigeen ilaa 4 dhalin yaro ah oo watay walaxa qarxa  laga sameeyo iyo hub kale duwan waxaan isla caawa loo dhaadhiciyey sal dhiga magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Maxamed Yuusuf Jaamac Tigeey iyo Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Gobolka Mudug , Muxiyadiin Axmed Nuur oo saxaafadda la hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in 4 qof ee la qabtay ay ku eedeysan yihiin dilal kale duwan oo dhawaan  ka dhacay magaalada  Gaalkacyo iyagoo xusay in si dhaqso ahna loo keeni doono maxkamada.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Maxamed Yuusuf Jaamac Tigeey iyo Taliye ku xigeenka gobolka Mudug , Muxiyadiin Axmed Nuur ayaa waxaa kale oo ay saxaafada u sheegeen in howl galada ay wadaan ciidanku ay sii socon doonaa ilaa inta laga xaqiiji nayo amaan ka guud ee magaalada Gaalkacyo oo dilal qorshaysan loogu geytay hal doorkii ku nool magaalada.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Maxamed Yuusuf Jaamac Tigeey ayaa ciidanka Booliska iyo laamaha kale ee amaanka waxaa uu ku booriyey in shacabka ku nool magaalada Gaalakacyo ay ka difaacaan kooxaha nabad la dirirka ah ee dilalka  la beegsanaya hal doorka iyo dadka qiimaha ku leh bulshada reer Gaalkacyo .

Dhinac kale ayaa sidoo kale waxaa uu Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Maxamed Yuusuf Jaamac Tigeey ugu baaqya shacabak ku nool gobolka Mudug gaar ahaan magaalada gaalkacyo in  ay la shaqeeyaan  laamaha amaanka iyo weliba madaxda maamulka Gobolka Mudug.

M_M_Deeq
Halgan.net

2 Comments so far

Leave a comment

  1. nimankan ayagoo laqabtay sita walxa qarxa waxaad maqli doontaa waa lasii daayay waana dhibta meesha taal. ilaa lahelo dad ka madaxbanaa daka meesha hesyta , marka niman yahow nimankan si toos ah waxay mudanyihiin oo ah in laidlo haday danbiga ku cadaado ha lmarsiiyo,
    waxaad ku garan kartaa ninka layiri waxuu danbiyo daka ku dili jiray muqdisho oo hada garoowe lagu qabtay waxaa lasoo qoray in xamar loo gudibn doono, oo aan ognahay in kuwii xabisga ku jiray shariif xabsiga kaisii daaya waaaba haday run tahay.
    marka aan sugno ayagoo lasii dayay

  2. Dhamaantiin Ciid Mubaarak Reer Galakacyow. Runtii caawa Raga la qabtay waa mid wax ka tari doonta ineey yaraato dhibta ka taagan
    Gobolæka Mudug oo lagu xasuuqay indheer gartadii reer Galkacayo. runtii waxaa Gobolka ka dhacay wax aad looga naxo oo leh argargax iyo naxdin dareen leh. waxaase runtu tahay oo aan cidna dafir karin dadak ka mid ah kuwo u dhashay Gobolka ineey tageeraan kuwaa dhibta ka
    wada Galkacayo islamarakaas hoosiis saara dadakaas iyaga ah.
    kuwaas oo ka kla yimaad meelo badan laga soo diro Gbolka Kala duwan ee Soomaaliya Degto. Waar ninka taageerayoow in dadkaaga la xasuuqo
    aakharka adiga beey ku khaajin doonan ee al ssoco. ka xishood inaad umadaada u horseed dhibaato in maalin lagu xisaaban doono ogoow.

    Sutigaashaan

Leave a comment

*