Dagaal ka socda degaanka Cag-libaax oo 30-KM kaga beegan Koonfur Qooqaani

August 29, 2012 - Written by

Ciidanka dalka Kenya oo taageeraya ciidamo Soomaali ah oo  ka tirsan yihiin ciidanka DFS ayaa saaka waxaa ay duulaan ku soo qaadeen degaanka Cag-libaax oo  ah duleedka degmada Afmadow, ciidamo ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa  difaac oo difaac uga jira dhulka howdka ah ee u dhexeeya  Afmadow iyo Birta dheer oo u jirta ayaa difaac adeg kala hortagay degaanka Cag-libaax ayaa u jira magaalada Kismaayo ilaa 60 KM.

Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ciidamo huwanta ay weerareen difaacyada  ururka Al-shabaab oo ku yaalay degaanka Cag-libaax iyadoo dagaalka uu yahay mid ku bilowday goos goos wallow markii danbe uu aad u xoogaystay.

Dadka shacabka ah ee ku nool degaanka Cag-libaax ee  uu ka socdo dagaalka ayaa saxaafada u sheegay in ay arkeen ciidamo Kenyaan ah oo wata Taangiyo iyo qalab kale oo ciidan kuna sii jeeda dhulka howdka ee u dhexeeya Afmadow   iyo Kismaayo.

Warar hordhac ah oo ku soo dhacay warqabadka Hagan.net goor dhow ayaa sheegay in dagaalka ay si toos ah uga qayb qaadanayaa diyaaro laga leeyahay dalka Kenya kuwaas oo duqeynaya goobaha uu dagaalku ka socda iyo goobo ku dhow dhow magaalada xeebta ah ee Kismaayo.

Ilaa hadda lama yaqaan cid ku gacan saraysa dagaalka iyo khasaaraha ka soo gaaray dadka shacabka oo ay ciidanka Kenya ay ku duqeynayaan madaafiicda ka dhacda taangiyada iyo hubka loo yaqaan Bm-ka.

Wixii ku soo kordha dagaalka dib ayaan idinka soo gudbin doonaa Insha Allaah

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online