Dagaalo culus oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Jubada Hoose

August 31, 2012 - Written by

Dagaal xooggan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaanka Miidu  oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose iyadoo dagaaladaas ay u dhexeeyey ciidanka dalka Kenya oo taageeraya ciidamo Soomaali ah iyo ciidamo ka tirsan  ururka Al-shabaab.

Dagaalka ayaa qarxay ka dib markii ay ciidanka dalka Kenya oo ka soo kicitimay degmada Afmadow uu dagaal ku qabsaday degaanka  Miidu ka dibna ay adeegsadeen hubka waaweyn iyo diyaarado dagaal.

Dagaalka maanta ayaa ahaa mid xooggan iyadoo sababtuna ay tahay ciidanka ururka Al-shabaab oo awood intii uu lahaa dul dhigay in ciidanka Kenya iyo ciidamo Soomaali ah oo la socota ay ka difaacaan in ay qabsadaann goobo hor leh ama ay ku qasbaan ugu yaraan in ay dib ugu celiyeen goobaha ay hadda qabsadeen am ka soo duuleen sidda Degmada Afmadow iyo Qooqaan.

Warar hordhac ah oo ka soo baxay dagaalka ayaa sheegay  in ciidanka huwanta ah ee duulaanka ku ahaa magaalada xeebta ah ee Ksimaayo ay u soo dabamaryeeyeen degmada Afmadow ciidamo kale oo ka tirsan Al-Shabaab iyagoo khasaaro xooggan gaarsiiyey ciidanka dalka Kenya ayna ka gubeen gaadiid dagaal ayna jiraan warar sheegaya in diyaarado laga soo riday ciidanka Kenya.

Afhayeenka Milateriga ciidnka Kenya Emannuel Chirchir oo la hadlay saxaafada Kenya ayaa inkiray in ciidamo badan laga dilay Kenya iyo in laga soo riday diyaarado dagaal.

Ilaa hadda ma jiraan war rasmi ah oo ka soo baxay hogaanka ciidanka ururka Al-shabaab oo ku aadan dagaalka ay maanta la galeen ciidanka dalka Kenya oo duulaan ku ah Gobolka Jubada Hoose.

 A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online