Golaha Baarlamaanka DFS oo maanta shiraya

August 30, 2012 - Written by

Muqdisho:Waxaa maanta shir iskugu yimid Golaha Wakiilada DFS oo uu shir gudoominayo guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka DFS Prof Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Xildhibaanada DFS ayaa waxaa ay ka shiri doonaa qaabka ay u dhacayso doorashada Madaxweynaha oo la filayo in ay dhacdo usbuuuca soo socoda , Xilidhibaanada  ayaa waxaa kale oo ay iska dhex xuli doonaa ilaa 15 xubnood oo diyaarin doona qaabka ay u dhacayso doorashada Madaxweynaha.

Kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa looga hadli doonaa khilaaf xooggan oo u dhexeeya Madaxweynaha DFS Sh Shariif Sh Axmed  iyo gudiga farsamada TSC ee loo xilisaaray xubnaha Baarlamaanka oo iyagu diiday qaar ka mid ah dagaal ogaayaashii in ay ka mid noqdaan Golaha Baarlamaanka.

Gudiga farsamada TSC ayaa ah kuwo taageero ka haysta beesha Caalamka iyo Qaramada Midoobay oo iyagu ah kuwa taageera DFS waxaana ay marar badan soo jeediyeen in gudiga farsamada howshooda loo madaxbanaaniyo lana ilaaliyo amaankooda.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online