Golaha Qaramada Midoobay oo maanta mar kale digniin u diray Madaxda Soomaalida

August 10, 2012 - Written by

New york:-Golaha Qaramada midoobay ayaa maanta oo ah Khamiis kulan ay ku yeesheen magaalada New York waxaa ay digniin u jeediyeen kooxo ay ku tilmaameen in ay yihiin qas wadayaal Soomaaliyeed oo ay ula jeedaan siyaasiyiinta Soomaaliyeed walow aysan carabaabin. Golaha Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu ka kooban yahay ilaa 15 dal oo iyagu  inta badan go,aamo ama war murtiyeed ka soo saara goobaha ama dalalka ay inta badan ka jiraan colaadaha.

War saxaafeed ay Golaha Qaramada midoobay ay ka soo saareen kulankooda ayaa waxaa ay ku sheegen in ay soo dhaweynayaan in laga baxo waqtiga ku meel gaar ah Soomaaliya iyo in ay soo dhawey nayaan Dastuurkii dhawaan lagu ansixiyey magaalada Muqdisho. War saxaafeedkaan ayaa waxaa loogu digay dadka doonaya in ay carqaladeeyaan geedi socodka hanaanka siyaasadeen ee ay ugu yeereen Road mapka kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay yihiin qaswadayaal.

Golaha Qaramada Midoobay ayaa si  xoogan u dhaleeceeyey isku dayga ay ururka Alshabaab iyo qaswadayaashu ay ku doonayaan in ay is hortaagaan hanaanka kala guurka, waxayna xuseen in golaha amaanku uu doonayo inuu qaado talaabooyin ka dhan ah kooxaha gudaha iyo dibada ee damacsan inay horistaagaan hanaanka nabada iyo dib uheshiisiinta.

Dhinac kale Golaha Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay xuseeen in ay tahay lagama maarmaan in gudiga xulaya xilibaanada ay howshood loo madax banaaneeyo oo aan lagu fara gelin si hufana ay howshooda u gutaan iyagoo aan ka baqayn wax fara gelin ah ama handadaad oo uga timaad madaxda Soomaalida.

Golaha Qaramada Midoobay ayaa waxaa uu ku amaanay saxiixayaasha Roadmapka dadaalka ay ugu jiraan soo afjarid xiliga kala guurka iyo taageerada ay u fidiyeen ansixinta  Dastuur ka cusub , Golaha ayaa sidoo kale booriyey soo dedejinta xulida xilidhaanada ka mid noqon doona dowllada cusub oo 20 bisha Augusto ay beesha caalamku u dhisi doonto Soomaaliya.

Halkaan ka akhriso qoraalka oo ku qoran English  ama halkaan ka eeg PDF

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online