Golaha wasiirada DFS oo maanta kulmay ku yeeshay Muqdisho (Warsaxaafadeed)

August 25, 2012 - Written by

Muqdisho:-Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin soo xulida xubnaha Baarlamaanka, Doorashooyinka soo socda, iyo arrimaha Maaliyadda.

Ugu horayntii Golaha Wasiiradda ayaa isla soo qaaday sidii loo soo dhamaystiri lahaa xubnaha baarlamaanka iyagoona ka codsaday Odayaasha dhaqanka iney soo dhamaystiraan xubnaha dhiman, waxaa kale oo Goluhu sheegay in loo baahan yahay in doorashooyinka soo socda ay noqdaan kuwo lagu muujinayo dimuquraadiyad wax kastana la rabo inay ku dhamaystirmaan waqtigooda.

no images were found

Sidoo kale Goluhu wuxuu ka hadlay waajibaadkooda ku aadan sida wanaagsan oo ay dalka uga saareen KMG iyagoona xaqiijiyey in 20 August ay Soomaaliya heshay Baarlamaan aan KMG ahayn, taasna waxaa sabab u noqday wada shaqayntii ka dhex jirtay Golaha mudadii sanadka ahayd, waxaa sidoo kale Golaha wasiiradu sheegen in si habsami leh ay u sii wadi doonaan shaqadii ay u hayeen shacabka Soomaaliyeed  kuna wareejin doona xilka ay hayaan marka la soo doorto Xukuumad cusub.

Waxaana Sidoo kale Goluhu Warbixin ka dhageysteen Wasaaradda Maaliyadda oo ku saabsan halka uu marayo dhaqaalaha soo gala  dowladda, Waxeyna Wasaaraddu rajo wanaagsan ka muujisay in dhaqaalaha u soo xaroonaya dowladda uu ka fiicnaan doonoo dhakhligii hore u soo xaroon jirey maadaama  laga baxay xilligii badd xiranka.

Ugu danbayntii Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu hambalyeeyey Golahiisa Wasiiradda sidii hagar la’aanta aheyd oo ay ula soo shaqeeyeen mudadii sanadka aheyd, Iyagoona muujiyay wax qabad la taaban karo Islamarkaana meel mariyay hadafkii ahaa in dalka laga saaro KMG, taana ay maanta ku guuleysatay Xukuumaddu.

—Dhamaad—-

Diraac Salaad Fagaase
Communication
Director, office of the PM

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online