Guddiga farsamada soo xulista Baarlamaanka oo diiday in tagaan maxkamadda sare DFS

August 26, 2012 - Written by

Muqdisho:-Guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka DFS ayaa maanta diiday in ay hor tagaan maxkamadda sare ee DFS  ka dib markii xalay uu Madaxweynaha DFS uu codsaday in Maxkamada Sare loo gudbiyey khilaafka ka taagan xubno ay dib u celiyeen gudiga farsamada ee soo xulista Xildhibaanada DFS.

Guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka DFS  ayaa ku adkeystay celinta ay dib u celiyeen iyaga sheegay in ay soo buuxin waayeen shuruudaha looga mid noqon karo baarlamaanka DFS waxayna si rasmi ah u sheegeen in shaqadooda ay ku egtahay caawa .

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee DFS Abu Kaate Caydiid Ilka Xanaf ayaa saaka codsi u gudbiyey  xubnaha guddiga farsamada waxayna kala horyimaadeen diidmo, arinkan ayaa waxaa uu ka dhex abuuray khilaaf Maxkamada Sare ee DFS iyo Guddiga farsamada ee soo xulista Baarlamaanka DFS

Waxaa sidoo kale qaadacay go,aanka Madaxweynaha DFS uu ku dalbaday in Maxkamada sare loo gudbiyo xubnaha la celiyey laba ka mid ah saxiixayaasha  Road-mapka kuwaas oo kala ah Madaxweynaha Galmudug Maxamed Axmed Caali  iyo wakiilka Ahlusunna iyaga oo ku tilmaamay
codsiga Madaxweynaha DFS Shariif Sh Ahmed mid sharci daro ah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online