Gudiga qaban qaabada doorashada Gudoomiyaha DFS oo la filayo in ay kulmaan

August 22, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa maanta lagu filayaa in ay shir uu uga furmo Gudiga qaban qaabada doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa magaalada Muqdisho gudigaas oo shalay la shaaciyey ayaa waxaa uu ka kooban yahay 15-xubnood.Kulanka ugu horeeyo uu yeelanayo Gudiga qaban qaabada doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa  ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa qabashada Araajida iyo soo bandhigida shuruudaha laga rabo cida u tartameysa xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS iyo ku xigeenadiisa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la wada dhowrayaa kulanka ugu horeeya ay yeeshaan Gudiga qaban qaabada doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka iyo kuxigeenadiisa  iyo shuruudaha ay soo bandhigaan waxaana saaka ay bilaabayaan in ay qabtaan araajida Xildhibaanada u tartamaya xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS.

Musharaxii ugu horeeyey ee ku dhawaaqa in uu u taagan yahay tartanka xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS waxaa weeye Prof: Cabdirizaaq Cismaan XasaN ( Juurile ) oo ah Siyaasi rug cadaa ah kana soo jeeda Deegaanadda Puntland wuxuuna sheegay in xilkaas uu u tartami doono.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online