Haro oo Afurisay 1200 oo qof iyo Jaaliyada reer Boston oo Barakacayaasha ugu deeqay $15,000

August 15, 2012 - Written by

Boston:-Hay’ada Haro waxaan ogeysiinaynaa Walaalaha Soomaaliyeed gaar ahaan Waqooyiga Maraykanka inay Zakaatul Fitrigooda kusoo dhakhsadaan si xili ku haboon dadkaas loo gaarsiiyo, Sidoo kale Imaamka Seattle Sh. Axmed Nuur ayaa arinkaas Cajal Vedio ah ku faah faahiyey, Axkaamta Zakada iyo in Haro loo dhiibo walaalaha u baahana xili ku haboon laghaarsiiyo.

Hay’ada Samafalka iyo quwaynta kan baahan ee loosoo qaabiyo HARO ayaa waxay bilowday bisha Rammadaan inay afur usamayso dad barakacayaal ah oo Muqdisho aad ugu tabaalaysan, ugu horayntii waxay bilowday HARO inay afuriso sadex xero oo isku darkoodu gaarayaan in kabadan 600 oo ruux, markii lasoo gaaray 10-ka danbe ee Rammadaanka ayaa HARO waxaa usuura galay inay ku darto Xerada Naafada ee AMAANA. Dadka dhibaataysan ee la afuriyo ayaa hada gaaraya in ka badan 1200 oo ruux. Dadka la ufuriyo ayaa isugu jira dad indhoola yaal ah, dad curyaamayo ah iyo dad aad u tabardaran.

Arintaas oo daba socotay Safar ay Xamar ku aadeen Sh. C/raxmaan Sh. Cumar iyo Xasan Dhooye oo ah madaxa fulinta Hay’ada Haro, safarkaas oo Madaxa Fulinta ee Hay’ada warbixin muuqaal ah kasoo diyaariyey horayna warbaahinta looga siidaayey. 

Jaaliyada reer Boston oo Barakacayaasha ugu deeqay $15,000 

Sidii horay warbaahinta loogu faafiyey, jaaliyada Soomaaliyeed ee reer Boston oo uu hogaaminayo Boston Islamic Center ayaa soo qaban qaabiyey shir dhaqaale loogu aruurinayo barakacayaasha Soomaaliya. Shirkaasna wuxuu ka dhacay goobta loogu tala galay shirarka ee Hiebernian Hall

Shirkaas waxaa lagu casumay Madaxa Hay’ada HARO Hassan Dhooye oo dhawaan wadankii kasoo noqday gaar ahaan gobolka banaadir. Shirka ayaa aad waxaa uga soo qayb galay dadwaynaha reer Boston rag iyo dumarba, halka qaar soo gaariwaayeyna ay soo dhiibeen tabarucaadkoodii. 

Afurkii kadib ayaa waxaa Microphone ka lagu soo dhaweeyey Sh. Xasan Dhooye, halaasna uu ka bixiyey warbixin dheer oo maqal iyo muuqaal isugu jirta. Intaa kadib waxaa lagu soo dhaweeyey Imaamka Boston Islamic Center Sh. Yusuf Abdulle, Sheikha ayaa aad ugu dheeraaday walaaltinimda Muslimiinta iyo inay yihiin jir kaliya oo aan kala maarmin, sidoo kale Sh. Yusuf ayaa xasuusiyey dadwayna inay ku shukriyaan nimcada ay maanta haystaan illaahayna uusan dadkaas naga jeclayn laakiin la isku imtixaanayo. Sh. Yusuf ayaa bilaabay yabooha dadka walaalahooda caawinaya, mudo yar gudohoodna walaalihii waxay yabooheen, in kabadan $15,000

 Qaar kamid ah odoyaasha reer Boston ayaa goobta ka hadlay dadka aad ugu booriyey inay caawiyaan dadkooda dhibaataysan. 

Halkan ka daawo Masawirada Jaaliyada Boston oo ku deegay aduun dhan $15,000

Dadka goobta isu yimid ayaa wajigooda ka muuqatay sida ay ugu faraxsan yihiin inay walaalahood taraan intii awoodooda ah, Sh. Yusuf iyo Sh. Xasan Dhooye ayaa dadka aad ugu duceeyey. 

Madaxa Fulinta Haro oo shirkaas cabirayana wuxuu yiri “Anigoo ku hadlaya magaca HARO iyo kan Soomaaliyeedba reer Boston aad ayey noosoo dhaweeyeen, uguna gurmadeen walaalahooda dhibaataysan, illaahayna waxaan ugu baryeynaa inuu bisha barakaysan ka abaal mariyo dadaalkooda, waxaanse intaa ku darayaa Barnaamijkaan wuxuu ahaa mid dag dag ah oo Ramadaanka aan ugu talo galay, reer Bosoton u diyaar garooba sidii dadkaas aan noloshoodii caadiga ahayd ugu celin lahayn insha allaah” Wuxuu kaloo intaa ku daray, “ Waxaa hada lagu jiraa xiligii Zakaatul Fitr-ga la bixin lahaa, fadlan horay haloosoo dhiibo si xili ku haboon dadkaas u baahan loo gaarsiiyo. 

Halkan ka daawo hay,da  HARO oo gargaar ka qeybineysa Xerada naafada ee Amaana

Halkan ka Daawo HARO oo afur u qeybineysa xerada Indhoolayaasha

Halkan ka daawo HARO oo afur ka qeybineysa xerada QodQod iyo Ashraaf 

Humanitarian African Relief Organization (HARO)
3355 Hiawatha Ave South. Ste 202
Minneapolis,MN 55406
haro.4needy@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online