Kalsooni Intee le,eg baa lagu qabi karaa hadalada uu Xasaan Xuseen ka soo guuriyo Culumada Q/2aad

August 28, 2012 - Written by

Nairobi:-Waa qormadeenii labaad  ee aan uga hadlayney hadalada Sheekh Xassaan Xuseen{” هداه الله وإيانا  uu  kasoo guuriyo Culimada iyo sida uu ugu ciyaaray, amaanadii Cilmiga  ahaydna uusan ugudan siday ahayd.Waxaan qormadeenii koowaad kusoo qaadanay  hadalkii uu kasoo guuriyay { إمام الحرمين أبو المعالي الجويني } waxaan soo tilmaanay sida Sh Xassaan  usoo guuriyay warkaas  iyo sidii saxda ahayd.

Waxaan qormadeena labaad ee maanta kusoo qaadan doonaa insha-Allaah  labo hadal uu kasoo guuriyay Culimada iyo sida uu  ugu ciyaaray .

Halkan ka Akhriso Kalsooni Intee le,eg baa lagu qabi karaa hadalada uu Xasaan Xuseen ka soo guuriyo Culumada Q/2aad

Halkan ka Akhri Maqaalkii koowaad Kalsooni Intee le,eg baa lagu qabi karaa hadalada uu Xasaan ka soo guuriyo Culumada Q/1aad.

W/Q Xudeyfa Raage
Halgan.net

8 Comments so far

Leave a comment

  1. ASC,

    INTAAD WADAAD SOMALI AH KU WAREERTEEN ORDO WADANKA WAX KA DIFAACA
    ALLAH MAHAD LEH

  2. Asc. Walaalayaal horta ogaada ninku waa sheekh kamid ah shuyuukhda ugu waaweyn umadeena hasha dhag waxa loo sheego mida labaad sheekhu xafidahullah malaha in sidaanoo kale aad ka dhigtaan nin lunsan Wallahi asagoo kale haday culumada soomaaliyeed wada noqon lahaayeen caalamka in islaam ka jiro ayaa la ogaan lahaa balse waa far kaliya oo ay isu soo weheshadeen jabinteeda gaalo dhan iyo gaal kalkaal far kaliyana fool ma dhaqdo , mida sadaxaad sheekha wax walboo aad ka sheegtid ama qoraal aad wax kaga sheegeysid hadii inta commenti xun laga baxsho taasoo cirdhigiisa wax loo sheegayo danbi baa kuugu sugan ( kii qoray maqaalka iyo kii commenti xun kabaxsha oo sheekha cirdigisa ku galayeba), mida afaraad qofkii maqaalkaan qorow hadalkaaga lama qaadanayo sababtoo ah KALAAMUL AQRAANI YUDHWAA WALAA YURWAA waxaad cadow ku tahay sheekha hadal aad cadowgaaga ka tirina waa qalad in la qaato ilaa inaad tahay nin si dhexdhexaad u hadlaya ma ahane mida kale ilaahay kacabsada bahdina Rag iska dhici yeeysan idin dhaafinin cabsida Alle umada soomaliyeedey hal dhag kaliya yaanan waxba la idin kugu sheegine wax raadsada cilmigana barta culumadana mid walba ka dhageeysta si aad u ogaato midka saxan………Igana raali ahaada hadii aad qalad iga dareenteen waxaan aan soo qoray waa iga naseexo. Wallahu aclam

  3. maxamedow walaalle ii daa halgan iyo raggeeda ilaahay madaxooda ha raajiyee, saw ma ogid in weli kuwo shalay waagu u baryey ay ku dul citikaafsan yihiin ninkaas sheekh xasaan ee ummaddii muslimiinta ahayd birta ka wada aslay iidaa raggeyga inta ku hartey illaa ay kasoo rogmanayaan, waa lanoo sheegay oo wax weyn baa iska bedelay rag badan oo isaga ku mamanaa raxan raxan ayeyse uga soo rogmadeen marka ilaa la kashfinayo inta qarsoon oo dhan ee ummadda loo kashfinayo u kaadi si aan cidina hadhow cudurdaar u helin.

  4. Fadlan halgan///iyo dhamaan webabka somaliyeed,,waa maxay sababta aa wararkooda u wadaan dadka fikirkoodii uu qaloocday….fadlan nagadaaya hadal hayntooda iyo aqbaarahooda..
    hada waaa la ogaaday waxa ay yihiin oo waalaga kalatagay adinkuna iska ilooba fadlan

  5. asc walee wiil is waalaba waabiyaa hela shiikh xsaan culimadaa laga reebi waayey lkn alaah waa soo daahiriyey alah hana hanuuniyo xaqana hanagu sugo

  6. ASCW
    Cilmigu waa aalad la barto cid kasta ayaana baran karta waxaana daliil u ah waxaa jira niman mustashriqiin ah(Kuwa diinta u barta inay dadka lumiyaan) oo hadana kutub islaami ah qoray ama sharxay intay barteen,sidaas darteed cilmiga haduusan camal la socon qofkiisa wuxuu ku noqdaa xujo, cadaab iyo culays ayuuna u siyaadiyaa, nabigeennu SCW ducooyinkii uu ku ducaysan jiray waxaa ka mid ahaa(Ilaahaw waxaan kaa magan galay cilmi aan wax anfacayn) reer banii israa’iil cilmi ayay yaqaaneen laakiin kuma aysan camal falin,sababtaas darteed ayaana loo lacnaday,Imaam axmed ayaa yiri (Cilmigu waa uun cabsida allaah)انماالعلم خشبة الله, Xasaan Xuseen waxa uu qubayo oo umadda dul saarayo oo haba yaraatee aan wax waracnimo ah lagu arag waxaas iyo wax ka sii liita inay dhalayaan waa arin iska cad ilaahay waxaan weydiisanaynaa inuu umadda shartiisa ka qabto isga iyo inta la manhajka ah, anagana uu xaqa nagu sugo ilaa aan rabigeen jalla wacalaa kala kulanno. aamiin

  7. Asc wrwb,,,,wan idin salamayaa xudeyfa iyo bahda halgan aad Baan ugu riyaaqay qoraalka sh xasaan ilaahey hasoo hanuuniyo wuxuu sameeyay wax lagu farxayo maaha wuxuu sameynayo sh xasaan xudeyfa jizakallaaah kheyran saa ubaraarujisay oo aad ugu iftimisay,, shacabka suu yeeelo sh xasaan

  8. wallaahi sheekh xasaan warbaa haysta ,ninka sidaan arkey u hadlaya ma waxaan baa ku qarsoon waxyaabaha uu diinta ka dhigayo ee ardeydiisu ay ku magacaabeen sheykhul-islaam…cajiib, wallee nin walba siddo la qabto waa leeyahay,kalsoonidii baa marka halkaas ka baxaysa.

Leave a comment

*