Kenya oo 60-maalmood gudahooda shidaal qodis ka bilaabeysa gudaha dalka Somalia

August 24, 2012 - Written by

Nairobi:-Sida lagu daabacay Joornaalka ka soo baxa dalka Kenya ee magaciisa la yiraahdo dailynation ayaa waxaa uu sheegay in dowlada Kenya ay  60-maalmood gudahooda shidaal qodis ka bilaabeysa xeebta Somalia waxaana uu Joornaalka sheegay in dowlada Kenya ay geysay shirkado badan oo baara patroolka

Shirkadaha ay dowalada Kenya geysay meel qiyaastii 15,000 square km ka baxsan xeebta Lamu halkaasoo qiyaastii ku beegan 3900 Sq km xeebta magaalada Kismaayo ee gudaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Shirkadda Total oo laga leeyahay dalka Faransiiska  ,Shirkada Statoil oo laga leeyahay Norway ,Shirkada Petrobras oo laga leeyahay Brazil,  Shirkada Tullow Oil Plc oo laga leeyahay UK.

DFS oo uu madax u yahay Shariif Sheekh Ahmed ayaan wili ka hadli patrool barista ay xeebaha Soomaaliya ka wado dalka Kenya

Halkan ka Akhriso Joornaalka Dailnation oo qoray in Kenya gudaha Somaliya Patrool ka baareyso

M_M Deeq
Halgan.net

5 Comments so far

Leave a comment

  1. Somalia waxa loosoo xulay hadda baarlaam cusub,ma la socotaa ku wa ka mid ah ,kuwii bilaabay burburka soomaali xilligii somali xoog lahayd ee siad Barre.kuwii wasiirada ahaa ee lacagaha malaayiinka ah ka xadday warshadii mareeray ee sonkorta.iyo wax la mid ah tuugo dal ma dhisi kartaa mase markay qurbaha kusoo duqoobeen baa tuugo kele in la xado xamar loo soo raadsaday.

  2. Asc
    waxaan isleeyahay arinta ay kenya ku hadaaqayso waa wax kama jiraan taasna ma dhici doonto dalka intii laguran lahaa laguray manta lakiin waxaa diyaar ah dadkii lahaa taas haday dhacdo kenya waxay inoo sahlaysaa midnimad inooga luntay ayaa soo noqonaysa oo aynu soo celinteedu wakhti dheer inaga qaadan lahay ayaa ku soo noqonaysaa wakhti fudud.
    Kenyana waxaan dhihi lahaa xaqdhowra darisnimada iyo xiriirka laba dad iyo dalba.
    Waxaan xasuusinayaa dadka kenya iyo dowladba iney khalad wayn dadka iyo dalka somalka geleen 1984 oo ahayd xasuuq wayn,
    Hadii taas ay ku darsadaana waxaan filayaa inay dhici doonto la xisaabtan badan.

  3. asc maata waxaan taaganahay waqtigii la dhihi lahaa (AAN OOYEE ALBAABKA II XIRA)

  4. layaab malha horaa loo filaay intaa iyo wax kaweeyn
    allahulmutacaan

  5. waa nasiib daro ,kaluunkiina waa nalaga dhamaystay,wadankii waa la haaystaa hadana petrolkii ayaa la guranrabaa waxaas waxaa keenay qilaafka, waxaa dhici kartaa in waqti ay noqotaba magaca somaliya la waayo sida ay hada ku socoto.Allow umadaan baadiyowday soo hanuuni.

Leave a comment

*