Kenya oo 60-maalmood gudahooda shidaal qodis ka bilaabeysa gudaha dalka Somalia
August 24, 2012 - Written by
Nairobi:-Sida lagu daabacay Joornaalka ka soo baxa dalka Kenya ee magaciisa la yiraahdo dailynation ayaa waxaa uu sheegay in dowlada Kenya ay 60-maalmood gudahooda shidaal qodis ka bilaabeysa xeebta Somalia waxaana uu Joornaalka sheegay in dowlada Kenya ay geysay shirkado badan oo baara patroolka
Shirkadaha ay dowalada Kenya geysay meel qiyaastii 15,000 square km ka baxsan xeebta Lamu halkaasoo qiyaastii ku beegan 3900 Sq km xeebta magaalada Kismaayo ee gudaha Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Shirkadda Total oo laga leeyahay dalka Faransiiska ,Shirkada Statoil oo laga leeyahay Norway ,Shirkada Petrobras oo laga leeyahay Brazil, Shirkada Tullow Oil Plc oo laga leeyahay UK.
DFS oo uu madax u yahay Shariif Sheekh Ahmed ayaan wili ka hadli patrool barista ay xeebaha Soomaaliya ka wado dalka Kenya
Halkan ka Akhriso Joornaalka Dailnation oo qoray in Kenya gudaha Somaliya Patrool ka baareyso
M_M Deeq
Halgan.net

.gif)

