Kulamo maamul loogu sameynayo gobolada Jubooyinka iyo Gedo oo ka socda magaalada Nairobi.

August 9, 2012 - Written by

Nairobi:Kulamo maamul guud loogu sameynayo gobolada Jubooyinka iyo Gedo, ayaa  weli ka soconaya duleedka magaalada Nairobi

Kulamadan oo  dhawaanahanba soconayey,  ayaa waxaa ka qeyb galaya ilaa 5 kooxood oo  kala metelaya beelaha deegaanada maamul u sameyntooda lagu howlan yahay, waxaana hadda shaqada ugu badan haya guddi loo saaray qaabka uu u shaqeynayo maamulka fududeynta howlihiisa.

Urur gobaleedka IGAD, iyo saraakiil beesha caalamka ka socota, ayaa gadaal ka riixaya qorshahan, waxaana dhammaan dhinacyada ay khuseyso xoogga saarayaan sidii uu u dhaqan geli lahaa qorshahooda.

Barta kulamadu ay ka dhacayaan, ayaa saxaafadda waxaa laga dhigay dibad-joog, iyadoona Nairobi duleedkeeda loo  saaray mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa, waxaana Soomaalida culeys lagu saarayaa soo dhisidda maamul cusub oo ay yeeshaan goboladaas.

Kooxaha Soomaalida ee deegaanadaas maamul u sameyntooda u shirsan, ayaa qolaba ay qolada kale dooneysaa inay ka riixato maamulka la dhisayo, waxaana soconaya is-baheysiyo ay dhinacyadu ku doonayaan Madaxtinimada gobolada maamulka loo sameynayo.

Ugu dambenyntii: gobolada maamul u sameyntooda Nairobi, loo fadhiyo ayaa waxaa intooda badan gacanta ku haysa xarakada Al-Shabaab, waxaana sidoo kale soconaya abaabul Militeri oo dowladaha dariska iyo ciidamo Soomaali ah oo kaashanaya ay ku doonayaan inay  kula wareegaan deegaanadaas.

Somalireal/Halgan.net
Nairobi 

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online