Madaxweyne Shariif Sh Axmed oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowlada Turkiya

August 12, 2012 - Written by

Muqdisho:-Maadaxweynaha dowladda Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Cemalettin Kani Torun.

Danjire Cemalettin Kani Torun ayaa madaxweyne Shariif guddoonsiiyay dhambaal uu uga siday madaxweynaha iyo R/wasaaraha dalka Turkiga oo ku amaanay madaxweynaha guulaha ay dowladdu ka gaartay siyaasadda iyo ammaanka.

Mr. Torun ayaa sheegay in dowladda Turkigu ay Soomaaliya ugu hambalyeyneyso ansixinta dastuurka iyo ka gudbidda marxaladda KMG ah.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa dowladda Turkiga uga mahad celiyay taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

no images were found

Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu u sheegay danjiraha Turkiga in Soomaaliya ay xusuusnaan doonto xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dhinac iyo gurmadkii ay u fidiyeen dadkii Soomaaliyeed ee ay saameysay abaartii ka dhacday waddanka sanadkii hore.

———— Dhammaad————

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Mogadishu, Somalia

media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online