Machadka Ibnu Cabaas ee ku yaal Deegaanka Kalabaydh oo Xaflada lagu qabtay.( Daawo Video)

August 15, 2012 - Written by

Waxaa Magaalada Kalabaydh Xaflada Loogu sameeyay ardaydda wax ka barta Machadka ibunu Cabaas ee ku yaal Deegaanka kalabaydh ee G\sool Xafladaas ayaa waxa loo dhigay ardaydda wax ka barata Guud ahaan machadka iyo laamihiisa waxa kale oo munaasabadaas Lagu soo bandhigay Arday dhawaanahan  Tartan Quraan akhiris ah uu dhamaaday waxaana Tartankan ka qayb qaadanayay Malcaamadaha ka jira deegaanka kalabaydh ee Gobolka Sool waxaana ardayda lagu doon siiyay jaa ‘isado kala duwan oo halkaas loogu qabiyay.

Ugu Horayn waxaa halkaas lagu furay aayadaha qur’aanka Kariimka ah oo Akhiriyay mid ka mid ah ardaydaydii machadaka Ibnu Cabaas’ iyadoo halkaas ay soo jiidatay aayadihii uu akhriyay arday gaasi Soo jiitay Dad waynihii madashaas Joogay ugu horayn waxaa halkaas ka hadalay maamulaha machadka ibnu Cabaas Sh.c\raxmaan Maxamed Aaadan Oo sheegay in macahka ladhigto xiliyo kaladuwan.Xiliyada galabtii habeenkii Subaxii waxa uuna sheegay maamuluhi in uu u dhigmo Dugsi H\Dhe waxaana imtixaanka u fadhiistay 214 ardary ayaa u fadhiistay imtixaanka machadaka.

no images were found

Waxaa kale oo maamuluhu halkaas ka codsaday in macahadka la caawiyo maadaama macahadaka uu kujiro hoy’aad u yar waad garan kartaan buu yidhi dhibaatada dhaqaale iyo dhanka hoyga waxa aan halkaan ka codsanaynaa dhamaan walaalaha meelkasata ay joogaan inay soo caawiyaan Machadka.

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadalay Culimo farabadan cuqaal waxgarad iyo bulshada deegaanaka kalabaydh ayaa waxa ay tahay meelaha ugu fiican degmooyinka G\sool dhanka  Waxbarshada diiniga ah Diiniga Oo ay ku horeeyaan sidoo kale waxaa halkaas qudbado ka soo jeediyay ardadda iyagoo cashoro fiican ka soo jeediyay waxa ayna halkaas ku soo bandhigeen wixii labaray Oo dadwaynihii ka qiiray siisay.iyadoo halkaasna lagas heegay in loobaahnyahay in Odayada waawayn ay ka qayb qaataan Barashada Diinta Islaamka.

 

Gabagabadii waxaa Halkaas xafladii ku soo xidhay Sh. Maxamuud Xaliike oo ku dheeraaday qodobo Taabanaya waalidiinta’Caruurta iyo Macalimiinta sheekha ayaa waxa uu ku booriyay Dadka deegaanka kalabaydh inay isku taagaan caawinaad Goobaha dadwaynaha waxakale oo sh,Maxamuud’ Xaliike  uu sheegay in loo baahanyahay in caanaha iyo xoolaha lagu bixiyo Goobaha dadwaynaha

Sidoo kale Sh, Maxamuud’ Xaliike Waxa uu Gudoon siiyay ardaydii Gashay kaalmo Fiican’Shahaadooyin iyo qalab Loogu riday shandado dhamaan arady dii quraanka ayaa waxaa iyagana lagu doon siiya abaal marino kaalmihii kala duwanaa ee ay galeen.

Hoos ka Daawo  Xaflada  loo qabtay arday ka tirsan Machadka Ibnu Cabaas ee ku yaal Deegaanka Kalabaydh

Hadaba waxaa laga cod sanayaa Muslimiinata Meelkasta ay joogaan inay soo caawiyaan machadka Ibnu cabaas ee deegaanka kalabaydh waxa aad kala soo xidhiidhaan Maamulka machadka Ibnu Cabaas +25-22-4496620 iyo +25-22-4496324

1 Comment so far

Leave a comment

  1. A.w.w maanshalah jasaakumulaahu khayr aadbay umahadasanyihiin culumada iyowalaalah khayrkan kasooshaqeeyey waxaana kuladardaarmayaa inay reerkalabaydh kafaa idaystaan jaaniskaa ay haystaan.

Leave a comment

*