Madaxda Sare Ee DFS oo u hambalyeeyey Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Prof.Jawaari

August 28, 2012 - Written by

Madaxweynaha DFS,Shariif Sheekh Ahmed ,Ra’iisal Wasaare Cabdiwali M. Cali-Gaas iyo Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka DFS Shariif Xasan Sheekh Aden ayaa hambalyo u diray Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari waxaana ay madaxada DFS soo dhaweeyeen qaabka ay u dhacaday doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka DFS.

Madaxweynaha DFS Sheekh Shariif  Sheekh Axmed  ayaa caawa shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya wuxuuna aad u soo dhaweeyey in DFS ay yeelato Gudoomiye Baarlamaan  iyo ku xigeenadiisa oo maanta ka dhacday xarunta akadeemiyada General Kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Raisulwasaaraha DFS Cabdi Weli Maxamed Gaas iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aden oo labaduba ay wareysi siiyeen idaacada VOA ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan in xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya loo doorto Prof.Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online