Madaxda Dowlada Federalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Nairobi

August 3, 2012 - Written by

Madaxweynaha dowladda Federelka  Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed iyo gudoomiyaha baarlamaanka  Shariif Xassan ayaa ku sugan magaalada Nairobi iyadoo u jeedada safarkooduna uu yahay casumaad ay ka heleen safaarada dalka Maraykanka ee dalka Kenya si ay kulan ula qaataan  xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton oo imaan doonta magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Madaxweynaha dowllada Federaalka Soomaaliya Shariif Sh Axmed iyo  guddoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay iyagu soo gaaray magaalada Nairobi iyagoo ka soo kicitimay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya, Dhinac kale Raiisul wasaaraha dowllada Federalka Soomaaliya ayaa isaguna la filayaa in uu safar gaaban ku tegi doono Puntlland isagoo ay halkaas iska soo raaci doonaa wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha dowllada Puntlland Dr Cabdiraxmaan Faroole si ay uga qayb galaan kulanka ay saxiixiyaashii RoadMapka ay la yeelan doonto  xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton oo safar ku maraysa dowllada dhowr ah oo ku yaal qaarada Afrika.

Ilaa hadda si cad looma garanayo wax ay   xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Hillary Clinton ay kala hadli doonto madaxda Soomaalida balse waxaa la sheegayaa in ay kulanku uu ku saabsan yahay xaalada kala guurka ee dowllada Federalka Soomaaliya oo xiligeedu uu ku eg yahay 20 Augusto oo maalmo ay ka dhiman yihiin.

Dowllada Maraykanka ayaa bilihii u danbeeyey aad fara gelin ugu haysa arrimaha Soomaaliya arrinkaas oo dadka qaar ay sheegayaan in ay salka ku hayso arrimo ku saabsan amniga  iyo kheyraadka dalka soomaaliya  gaar ahaan arrinta Shidaal qodista ee ka socota Puntlland  oo aan ilaa hadda si rasmi ah loola socon halka ay wax maraynaam iyadoo shirkadaha shidaalka ka qodaya Puntlland ay dhowr jeer war saxaafadeed ay soo saareen ay ku sheegeen in ay Petrol ka helleen Puntlland walow arrinkaas aysan si rasmi ah u shaacin dowllada Puntlland iyo dowllada Federalka Soomaaliya.
A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online