Madaxweynaha Dowaldda Puntland oo dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe

August 7, 2012 - Written by

Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe ka dib markii  wafdiga madaxeynaha dowllada Puntlland uu ka soo qayb galay shir ay saxiixayaasha Roadmapka ay ku yeesheen magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxman Faroole ayaa waxaa  ku soo dhaweeyey  garoonka diyaaradaha ee Garoowe ku xigeenka madaxweynaha Puntlland  ahaana ku simaha madaxweynaha Puntlland Gen.C/samada Cali shire , safarka madaxweynaha Puntlland ayaa waxaa ku weheliyey Wasiirka Waxbarashada Puntlland Dr.Cabdi Faarax Siciid Juxa iyo Wasiirka hawlaha guud Eng.Daahir Xaaji Khaliif iyo xubno ka tiran madaxtooyada Puntlland.

Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in shirkii ay ku yeesheen magaalada Nairobi saxiixayaasha Roadmapka uu ku soo dhamaaday afgarad iyo guul isagoo sheegay in rajo fiican laga qabo in waqtiga ku meel gaarka uu dhaqso u dhamaado. Madaxweynaha Dowaldda Puntland Dr.Cabdiraxman Faroole  ayaa sidoo kale xusay in mudo dhan 5 cisho lagu soo gudbiyo xilibaanda dowllada Federaalka Soomaaliya isagoo ku adkeystay in dood dheer iyo falaqayn dheer la isla gartay arrinkaas si loo dhamaystiro hishiiyadii ay kala saxiixdeen  madaxda Soomaalida.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online