Madaxweynaha dowllada Puntlland oo soo dhaweeyey ansixinta Dastuurka

August 1, 2012 - Written by

Garoowe:-Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxamaan Maxamed Maxmuud Faroole ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta madaxtooyada Puntlland ee Garoowe waxaa uu soo dhaweeyey dastuurka DFKM oo maanta lagu ansixiyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxamaan Maxamed Maxmuud Faroole ayaa xusay in maanta Soomaaliya ay yeelatay Dastuur Federal ah ilaa iyo intii ay burburtay dowlladii dhexe ee Soomaaliya. Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxamaan Maxamed Maxmuud Faroole ayaa shirkiisa jaraa’id ku sheegay in umada soomaaliyeed ay dadaal fara badan iyo xoog badan ay geliyeen sidii dalka Soomaaliya ay u yeelan lahaa Dastuur Federaal ah.

Madaxweynaha Puntlland Dr.C/raxamaan Faroole ayaa sheegay in dowllada Puntlland ay gacan weyn ka geystay siddii Dastuur Federaal ah uu u hirgalo isagoo dhinac kale ugu baaqay madaxda DFKM in ay fuliuaan hishiiyadii ay saxiixa yaashay Roadmapka ay ku gaareen Garoowe 1,Garoowe2, is afgaradkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo shirarkii u danbeeyey ee lagu qabtay magaalada Addis abba iyo magaalada Nairobi.

Mar wax laga wiidiyey Madaxweynaha dowllada Dr.C/raxamaan Faroole khilaafka ka jira  maamulka Gal-Mudug iyo doorashooyinka ka socoda oo ilaa 2 madaxweyne shalay iyo manta la kala doortay ayuu ka gaabsaday isagoo sheegay in Gal-mudug ay ka filayaan daris wanaag iyo in laga wada shaqeeyo la dagaalka burcad badeeda iyo Al-shabaab

Madaxweynaha dowllada Dr.C/raxamaan Faroole ayaa ku amaanay Madaxweynaha Gal-mudug Col caalin in ay wax badan ay ka wada shaqeeyeen oo ayna ugu horaysay meel marinta Dastuurka manta lagu ansixiyey magaalada Muqdisho oo ay yeelanayso dowllada soomaaliya

 M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online