Madaxweyne Shariif oo kulan la yeeshay Saraakiisha DFKM iyo AMISOM(Warsaxaafadeed)

August 7, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay kulan casho ah la qaatay saraakiisha ciidamada XDS iyo kuwa  midowga Afrika ee AMISOM, kaas oo qeyb ka ahaa xuska 6-da Agoosto oo ah maalintii ay Muqdisho xorowday.

Kulanka waxaa ka qeyb galay R/wasaare ku xigeen ahna wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise, Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud, Taliyaha ciidamada XDS Generaal C/qaadir Sh Cali Diini, Taliyaha Booliska Shariif Sheekhuna Maye  iyo saraakiisha hoggaamineysa ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

R/saare ku xigeen ahna wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise ayaa kulankaan ka sheegay in guusha Muqdisho lagu xoreeyay uu daatay dhiig badan oo aysan iska imaan, Wasiirka arrimaha gudaha C/samad Macalin Maxamuud ayaa isaguna ku dheeraaday sidii ay ciidamada ammaanku u adkeeyeen ammaanka magaalada Muqdisho sanadkii la soo dhaafay.

no images were found

Sarkaal ka tirsan ciidamada AMISOM oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa maalinta Muqdisho laga saaray Shabaab ku tilmaamay mid taariikh u ah shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna rajeeyay in sanadka dambe dalka oo wada xor ah ay dhacdo munaasadda xuska maalintaan.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa yiri “In Muqdisho ay xorowdo oo ay xor noqoto waxey gacan ka geysatay guulaha ay dowladdu gaartay, waayo haddii aysan ammaan ahaan laheyn shirarka hadda aan ku hirgelinay Road-Mapka Muqdisho laguma qabteen, tallaabadii lagu xoreeyey Muqdisho-na waxey gacan weyn ka geysatay hormarka dowladnimo” 

Saraakiisha AMISOM ayuu madaxweynuhu uga mahad celiyay kaalinta ay ka qaateen la dagaallanka Al-Shabaab iyo Al-Qaacidda, isagoo tilmaamay in AMISOM ay dad badan ku waayeen howl gallada lagu xoreeyay Muqdisho iyo meelo kale.

“Farxadda aan hadda heysano waa mid muhiim ay tahay in la muujiyo, waxaana rabaa inaan si kal iyo lab ah ugu mahad celiyo Ciidammada AMISOM oo runtii dhiig badan u bixiyey si ay inoo taageeraan, waayo waxaa halkaan ay ku waayeen rag badan oo muhiim u ahaa saraakiilna ay ku jireen, oo aan ka xusi karo taliyihii Ciidammada Burundi iyo saraakiil badan, guushaanna kuma imaan fadhi iyo sheeko”

Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay dadaalka lagu bixiyay in AMISOM iyo ciidamada Dowladdu ay isla howl galaan, isla markaana dadka shacabka ahi ay dareemaan kaalinta ay AMISOM ku leeyihiin la dagaallanka kuwo ka soo horjeeda dowladnimada Soomaaliya.

“Markii ugu horeysay ee aan qabtay xilka Madaxtinimo waxaan juhdi iyo dadaal badan ku bixinay sidii loo abuuri lahaa wada shaqeyn dhab ah oo dhex marta ciidammada AMISOM iyo kuwa dowladda, waqti dheer kadibna, Alle mahaddii waan ku guuleysanay wadashaqeyntaas iyo isfaham buuxa, iskadaa Ciidammada dhexdooda ee AMISOM maanta shacabka ayey is fahmeen, taasina waa guul”.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa saraakiisha ciidamada AMISOM kula dardaarmay in ay ammaanka adkeeyaan xilligaan oo dalku galayo doorasho, isla markaana aysan dhicin in maleeshiyaadka Shabaab ay ka faa’iideystaan mashquulka siyaasadeed ee dalku galay oo ay dhibaato u geystaan shacabka.

Khudbaddiisa ayuu madaxweynuhu ku soo gabagabeeyay waxa ay ay higasayaan dadka iyo dowladda Soomaaliyeed Musqabalka dhow, “Waxaan rabnaa Afarta sano ee soo socota Soomaaliya iney noqoto meel nabad gelyo buuxda ay ka jirto, Waxaan rabnaa Ciidammada qalabka sida iney dhismaan, waxaan rabnaa iney dhismaan  hay’adihii dowliga, waxaan rabnaa umadda Soomaaliyeed inan iloowsiino dhibaatadii 20ka sano, waxaan rabnaa inaan Afrika iyo aduunyada ka dhex muuqano, waxaana rajeynayaa in hankaas Alle nagu guuleeyo oo dariiqeedii ayaan ku soconaa”.


Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

 
 

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online