Madaxweyne Shariif oo la kulmay Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda

August 27, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa la kulmay wakiilka midowga Yurub u qaabilsan arrimaha dibadda iyo siyaasadda ammaanka Catherine Ashton iyo wafdi ay hoggaamineysay. Kulankan oo ay ka qeyb galeen guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Generaal Muuse Xasan, R/wasaaraha Dalka Dr. C/wali MaxamedCali iyo afhayeenkii hore ee Baarlamaanka mudane  Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaa looga hadlay   dhammeystirka marxaladda KMG ah,  sida ay wax u socdaan iyo siyaasadda Midowga Yurub ee dalkan Soomaaliya.

“Waxaa na dhex maray wada hadal aad iyo aad u fiican waxaana kala qaadanay warbixin wixii la soo maray iyo meesha la joogo, waxyaabaha yaryar ee haray iyo sida loo dhammeynayo iyo waqtiga soo socda sida la rabo inay Soomaaliya noqoto iyo sida ay tahay in loo garab istaago, waxyaabihii aan ka hadalnayna dhammaantood waa isku afgarannay” ayuu yiri madaxweyne Shariif oo saxaafadda la hadlay kulanka kaddib.

no images were found

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ay garab taagan yihiin masuuliyiinta kulanka kala qeyb gashay ayaa sheegay in Catherine Ashton ay ballan qaadday in Midowga Yurub uu sii wadi doono isla markaana xoojin doono taageerada ay siiso dalka Soomaaliya. Sidoo kale kale madaxda Soomaalida ayaa uga mahad celiyay Midowga Yurub taageerada ay siiyeen waddanka.

“Waxaan u sheegnay Hannaanka waxa ka dhimman in si wanaagsan loo dhammeystiri doono, doorashada baarlamaankana ay dhici doonto Berri hadduu Alle idmo, doorashooyinka kalena ay daba socon doonaan. Taasna waxay u arkeen inay tahay horumar weyn oo Soomaaliya ay ku tallaabsatay, kaas oo taabanayaa dhinaca amniga, Siyaasadda, arrimaha bulshada iyo horumarka” ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Dhammeystirka marxaladda KMG ah ayuu madaxweynuhu ku sheegay inay horseed u tahay in dadka Soomaaliyeed ay ka gudbaan dhibaatada muddada dheer heysatay, sidaa darteedna loo baahan yahay in qof kasta ay taageerto hannaankan dib loogu dhisayo dowlad dhammeystiran oo hanata waajibaadkeeda, ayadoo loo marayo waddo nabadeed oo xoojineysa horumarka dalka ka jira iminka.

Office of the Somali President
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online