Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed.

August 18, 2012 - Written by

Muqdisho:-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasadda Ciidul-Fitri-ga, isagoo dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Alle ka baryaan inuu dalka iyo dadka noo badbaadiyo.

Hadalkii uu ugu talo galay shacabka ayuu madaxweynuhu ku sheegay in Ciiddan uu waddanku horumar ka sameeyay dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda, ayna muhiim tahay in Alle looga mahac celiyo si uu umadda ugu siyaadiyo. Sidoo kale wuxuu madaxweynuhu dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ciidda uga faa’iideystaan inay is cafiyaan.

“Waxaan leeyahay shacabka Soomaaliyeed meeley joogaanba Ciid Wanaagsan, sanadkaan sanadkiisa inuu Alle nagu gaarsiiyo horumar iyo nabad intaan ka badan, waxaan rajeynayaa inaan si wanaagsan uga faa’ideysano munaabasabadan maadaama aynu gudanay waajibaadkii bisha soon,umadana waxaa laga rabaa iney Alle wadajir u baryaan, niyadoodana isku furaan ayagoo wadajir ugu duceysanaya  inuu dalku noo noqdo nabad” ayuu yiri madaxweynuhu.

no images were found

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa kulan casho ah la qaatay saraakiishii hore ee ciidamada qalabka sida oo ka yimid qaaradda Yurub iyo Mareykanka, kuwaas oo ka qeyb qaatay diyaarinta qorshaha ammaanka dalka iyo sidii dib loogu dhisi lahaa ciidamada qalabka sida ee waddanka.

“Saraakiishaan waxey nooga yimaadeen meelo kala duwan oo Mareykanka iyo Yurub ah, waxeyna in muddo ah ku howlanaayeen qorshihii diyaarinta amniga dalka iyo sidii loo xoreyn lahaa waxeyna noogu yimaadeen sidii qorshahaasi iyo talooyinkii ay soo jeediyeen loo hirgelinlahaa ayadoo hadba aan waafajineyno tabarteenna inta ay la egtahay afarta ma shanta sano ee soo socota”

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in waaya aragnimada saraakiishan ay xaqiijin karto in dalku uu helo markale helo ciidamadii qalabka siday ee uu lahaa, isagoo uga mahad celiyay dadaalkii ay ku bixiyeen hagaajinta ammaanka iyo ciidanka.

“Dal aan ciidan laheyn nabad ma naqan karo waxaanna wadnaa inaan dib u dhisno Ciidammadeenna Qalabka Sida khibradda ay saraakiishaan leeyihiinna waan ku kalsoonnahay waxaanna uga mahad celinayaa sida ay u go’aansadeen iney dalalkii ay ku noolaayeen kasoo tagaan oo ay dalkoodii yimaadaan,taasna waxaa garan kara qof wadani ah”

Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Gen. Ismaaciil Axmed Ismaaciil oo ka hadlay kulanka cashada ah ayaa madaxweynaha ku amaanay dowrka ay dowladdiisu ku bixisay dib u soo nooleynta ciidamada qalabka sida iyo waliba isu keenidda saraakiishii hore oo aan dib u kulmin tan iyo burburkii dalka. Wuxuuna codsaday in laga faa’iideysto maskaxda ay bixiyeen saraakiisha.

“waxaanu rajeyneynaa in saraakiisha hada joogta iyo dowladda imaan doonto iney qibradaasi ka faa’ideystaan waanna ku kalsoonahay in la hirgelin doono,waxaanna aad ugu ammaanayaa Dowladda hada jirta sida ay waqtiga ugu bixisay soo nooleynta Ciidammada qalabka sida iyo isku keenida saraakiishii hore si gaar ah waad ku mahadsantahay Mudane Madaxweyne waxaanna kuu rajeyneynaa inaad dadaalkaaga sii wadid”ayuu yiri Ismaaciil Axmed Ismaaciil.

Kulankan cashada ah waxaa ka qeyb galay Wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciise, Taliyaha XDS Generaal C/qaadir Sheekh Cali Diini, Taliyaha ciidamada booliska Shariif Sheekhuna Maye, taliyaha ciidamada Asluubta iyo ku xigeennadiisa iyo in ka badan 10 ka mid ah saraakiishii hore ee dalka.

Office of the Somali President Mogadishu, Somalia
media@presidency.gov.so

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online