Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo si weyn looga ciiday maanta

August 19, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland Magalada Garowe waxaana salaada ciida lagu tukuday Garoonka kubada cagta Ee Mire Awaare  waxaana ka soo qeyb galay masuuliinta Puntland oo uu horkacayo Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxmaan maxamed Faroole ,madaxweyne ku xigeenka Puntland Jen Cabdisamed Cali Shire iyo xuboo ka tirsan labada gole ee xukuumada Puntland .

Khudbadii Ciidul fidriga ayaa waxaa akhriyey Sheekh Ahmed Daahir oo ka mid ah culumada sida weyn looga yaqaan deegaanada Puntland waxaana uu aad ugu dheeraaday dilalka micno darada ah oo ay geysanayaan kooxo fulinaya ajandooyin shisheeye iyaga oo dilalkooda geysta wakhtiyada salaadaha maqribka iyo Salaada subax.

Sheekh Ahmed Daahir ayaa ku booriyey dadweynihii soo carimaray salaada ciida in ay alle ka baqaan oo ku faro adeygaan amaanka wuxuuna uga baaqay umada in ay ka fogaadan macsida una laabtaan Rabigii abuuray.

Islaan Ciise Islaan  Maxamed oo ka mid ah Isimada ugu waaweyn Puntland ayaa isna ka hadlay dilalaka loo geysanayo birimageydada iyo dadka waxtarka u leh umada waxuuna ugu baaqay shacabka in ay meel uga soo wada jeestaan kuwa dilalka geysanaya wuxuuna ugu baaqay Maamulka in ay xilka loo dhiibay ka soo baxaan waxna ka qabtaan nabada.

Islaan Ciise Islaan Maxamed ayaa ugu baaqay madaxada DFKM in ay maanta wada taliyaan oo umada Soomaaliya ka saaraan dhibaatada ay ku jirta 20 sano oo dowlad la,aan ah.

Waxaa sidoo kale goobta ka hadalay Wasirka Caddalada Diinta iyo awqaafta Abdi khalif Xaji Xasan Ajayo wuxuuna ugu baaqay dadkii ka soo qeyb galay ciida in ay waxtaraan dadka masaakiinta ee tabarta daran oo aan heysan waxay ku ciidaan si farxada loo wada qeybsado .

Madaxwaynaha Puntland C/raxmaan Maxamed Maxamud Faroole ayaa khudbad kooban ka jeediyey garoonka Mire awaare wuxuuna ka hadlay amaanka iyo dilalkii ka dhacay Puntland wuxuuna sheegay dowladiisa in ay dadaal ku bixisay sugida amaanka wuxuuna sidoo kale soo hadal qaaday dhisida dowlada Cusub ee Soomaaliya isaga sheegay in uu rajo ka qabo in la dhiso dowlad tayo leh.

Masawirada iyo wixii soo kordha dhawaan kala soco halgan.net

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online