Magaalada Minneapolis oo shalay si weyn looga ciiday (Daawo)

August 20, 2012 - Written by

Minneapolis:-Maalinimadii Shalay ee ciidda ahay, waxay bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan gobalak Minnesota gaar ahaan magaalada Minneapolis ay ku ciideen xarunta wayn ee kulamada dawliga ah iyo shirar caalamiga ah lagu qabto ee ku taal bartamaha magaalada Minneapolis, Minneapolis Convention Center. Ciidan oo uu soo agaasimay masjid abuubakar as-sadiq, ayaa ahayd mid ka duwan ciiddihii uu horay ugu soo qabtay isla goobtan  15 sanno ee la soo dhaafay.

Dadwayne aad u badan ayaa soo buuxdhaafshay goobta salaadda lagu tukanayay. Goobtan oo markiiba qaaday tiro kor u dhaafaysa 20,000 oo qof, ayaa lagu tukaday saddex goor. muuqaalka magaalada Minneapolis galinnimadii hore ee shalay ayaa u muuqday mid u eeg Ceelgaabtii muqdisho oo kale, tirada dadka soomaaliyeed ee isu daba maraya salaadda ciidda badnideeda.

Waxaa salaaddii ciidda hogaamiyay fadiilatu Sh.C/risaaq Xaashi. Sheekha, oo halkaas khudbad qiimo badan oo dhinacyo badan taabaynaysa ka soo jeediyey. gabagabadii khudbadda sheekha, ayaa ku soo dhammaatay duco uu mislimiinta oo dhan ugu duceeyey.

Maamulka masjid abuubakar iyo bahwaynta reer abuubakar, ayaa guntiga dhiisha uga dhigtay sidii ay ukala hagi lahaayeen hirarka dadka ah ee isda isdajoogga  isku dhaafayey wadooyinka soo gala goobta salaada lagu tukanayey. Muuqaalkan, ayaa ku xasuusinya muuqaaladii lagu arki jiray xajka. ugu danbayntii waxay ku soo dhammaatay habsami, guul iyo farxad.

Markii salaadda laga soo gaddoomay, wuxuu masjidku u diyaariyey dadwaynaha muslam ah goobo ciyaalka lagu ciyaarsiiyo. Bagcadda baabuurta lagu safo ee masjidka(Parking), ayaa waxaa laga soo buuxshay agab lagu ciyaarsiiyo dhallaanka. Sidoo kale beerta balaadhan ee ku taal isgayska masjidka dariska la ah ee 12th Ave iyo 28th -ka ayaa iyana lagu qabtay ciyaaro iyo madadaalo, inkastoo geelii iyo fardihii la sugayey in gaabtaa la keeno ay suurta galiwayday ciladdo farsamo awgeed.
NB:Waxaan bulshada dhawaan la wadaagi doonaa dowrkii masjidka Abuu bakar As-sadiq ee Mpls iyo bisha Ramadanta.
M. Hambaase, Mpls,MN
Hambaase@hotmail.com

Leave a comment

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online