Dhageyso Khudbadii Ciidul Fidriga ee Sheekh Maxamuud Shible (Cod+Masawiro)

August 19, 2012 - Written by

Nairobi:-Waxaa maanta si weyn looga ciiday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaana munaasabada ciidul fidriga si weyn looga dareemay xaafada ay sida weyn u degan yihiin jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ee Islii waxaana lagu tukaday laba xarun oo kala duwan .

Waxaa ka mid ahaa meelaha sida weyn loogu tukaday Barxada weyn ee Garoonka Pangani Primiry School  waxaana khudbadii ciida ka akhriyey Sheekh Maxamuud Shible Xafidahulaah waxaana soo soo buuxdhaafiyey dad weyne aad u tiro badan oo ku labisan dhar aad u qurxoon wajiyadoodana waxaa ka muuqday farxad iyo reynreyn .

Sheekh Maxamuud Shible ayaa waxaa uu ugu baaqay shacabkii ku soo tukaday Barxada weyn ee Garoonka Pangani Primiry School  iyo umada Soomaaliyaad in ay alle ka baqaan una laabtaan waxaana uu ku booriyey in ay midoobaan si jiritaankooda uu u jiro.

no images were found

Hoos ka Dhageyso Khudbadii Ciidul fidriga ee Sheekh Mxamuud Shible Xafidahulaah

[audio:https://halgan.net/Mp3/Shible_ciid.mp3] Ama Halkan MP3

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. اللهم احفظ علماءناياحفيظ

  2. اللهم احفط علماءنا اميين

  3. mashaalah allah yax fiduk inshaalh

Leave a comment

*