Maxamed Sh Shariif Cabdi Nuur oo la soo xiriiray Halgan.net beeniyeyna Fatwo lagu faafiyey Somalimemo.(Dhagayso)
August 31, 2012 - Written by
Makkah:-Shabakadda wararka Halgan.net ayaa waxaa caawa la soo xiriiray Maxamed Sheekh Shariif Cabdi Nuur oo ah wiil uu dhalay Sh. Shariif Cabdi Nuur ilaahay ha caafiyeen kaas oo Mareegta Somalimemo.net ka faafisay in Sheekh Shariif Cabdi Nuur uu fatwo bixiyey bishii Ramadaan ee la soo dhaafay. Maxamed Sheekh Shariif Cabdi Nuur ayaa waxaa uu na soo gaarsiiyey baaq qoraal ah iyo Cod uu ugu talo galay umada Soomaaliyeed taas oo uu ku cadeynayo in ay been abuur iyo cododda la isku keenay ay tahay fatwo lagu faafiyey Mareegta SomaliMemo.net oo caado ka dhigatay been abuurka iyo cayda Culimada.
Halkan ka Akhriso Baaqii Maxamed Shariif Cabdi Nuur iyo Emailkiisa oo sax ah PDF
Hoos Ka Dhagayso Baaqii uu umada Soomaaliyeed u diray Maxamed Shariif Cabdinuur Xassan
[audio:http://halgan.net/Mp3/Maxamed.mp3]Ama Halkaan MP3
Maamulka Halgan.net

.gif)

