Maxamed Sh Shariif Cabdi Nuur oo la soo xiriiray Halgan.net beeniyeyna Fatwo lagu faafiyey Somalimemo.(Dhagayso)

August 31, 2012 - Written by

Makkah:-Shabakadda wararka Halgan.net ayaa waxaa caawa la soo xiriiray Maxamed Sheekh Shariif Cabdi Nuur oo ah wiil uu dhalay Sh. Shariif Cabdi Nuur ilaahay ha caafiyeen kaas oo Mareegta Somalimemo.net ka faafisay in Sheekh Shariif Cabdi Nuur uu fatwo bixiyey bishii Ramadaan ee la soo dhaafay. Maxamed Sheekh Shariif Cabdi Nuur ayaa waxaa uu na soo gaarsiiyey baaq qoraal ah iyo Cod uu ugu talo galay umada Soomaaliyeed taas oo uu ku cadeynayo in ay been abuur iyo cododda la isku keenay ay tahay fatwo lagu faafiyey Mareegta SomaliMemo.net oo caado ka dhigatay been abuurka iyo cayda Culimada.

Halkan ka Akhriso Baaqii Maxamed Shariif Cabdi Nuur iyo Emailkiisa oo sax ah PDF

Hoos Ka Dhagayso Baaqii uu umada Soomaaliyeed u diray Maxamed Shariif Cabdinuur Xassan

[audio:https://halgan.net/Mp3/Maxamed.mp3]Ama Halkaan MP3

 

Maamulka Halgan.net

19 Comments so far

Leave a comment

  1. ASC walalayaal dadkan culimada ku been ABURANAYO ILAAH MEE KA BAQAAL
    IN LADHIMANAYO MA OGO MIYAA ALCALAMA SH SHARIIF CABDI NUUR OO LA OGYAHAY BOOSKA OO MAANTA UGU JIRO CULIMADA SO MALIYEED ILAAHOW SHEEYNA SH SHARIIF CABDI NUUR ILAAHO XAFID DADKAN BEEN ABUURKA KU CAAN BAXAY CULIMADA ISKA DAAYA WAR ILAAH KA BAQA WAA LA DHIMANAA QABRI BAA NA SUGAAYO MAANTA FURSAD AYAAD HAASATAAN TOOBA KEENA WBSITE YADA FAA FINAAYO ILAAH KA BAQA WAA LA DHIMANAA WALALAAL WAXAAN IS KU OGNAHAY TOWBO

  2. asc walee maxaa ceeb taagan walee reer somalimemo waa ceebaysanyihiin ilaahow na astur oo nahanuuni yaa saatir ilaahay aduunkuu ku kashifay intaan aakhira laaarin talow waxay kahelayaan iftiraaga iyo beentaan garanwayey

  3. WAXAAN SALAAMAYA DHAMAAN UMMADDA SOMALIYEED EE SAMAHA JECEL GAAR AHAAN WEBKA HALGAN.NET OO RUNTII AAN KU TILMAAMI KARO DAD JECEL INAY DIFAACAN CULIMADDA SOMAALIYEED WAXAN IDIN LEEYAHAY ILAAHAY AJAR HAYDINKA SIIYO ARINTAAS

    TANKALE CAALIM MUFTI SHARIIF CABDI NUUR BEEN AYAA LAGA SHEGAY KUWA SIDAAS SAMEEYEYNA WAXAN ILAAHAY UGA BARYEYNAA INUU DUNIDA KU CIQAABO DADKA BARTAY INAY CULIMADA BEEN KA SHEEGAAN HADABA SHARIIFKU XAFIDAHULAAH BEENTA HA LAGA DAAYO CULIMADANA HA LA AMAAN GELIYO WAAYO BEENTU KHATARTEEDA AYEY LEEDAHAY.ILAAHA HA XAFIDO SHARIIF CABDI NUUR CAFIMAAD DEREJOLE HA SIIYO AAAAAAAAAAAAAAAMMMMMMMMMMMMMMNNNNNNNNNNNNN

  4. Asc wr wb shabakada halgan kheer allah idin siiyo, waxa aan idinka codsanayaa inaa si toos ah ula xiriirtaan shiikha haddii ay suura galtahay, waxaan allah ka baryayaa haddii ay run tahay googonta codka shiikha inuu dhulka la jaro ciddii arintaa sameyse ee xishood la’aanta ah, sheekha waa waalidkeen waa sheekheyni, haddiba beenabuurka uu halkaa gaaray ilaahayow qofki sameeye dhulka la jar, haddii aad hanuun ugu tala-gashayna soo hanuuni.

  5. kkkk Been badanaa war heedhahaya Labadanin ee waxbaan waraysanaynaaleh Mid waanba isla joognaa oo meelna muusan aadin goormuu tagay haba waraysto ma xumeee Subxaanalaaaah wardadkan maxaa laga siiyaa Culimada caruurtii iyo haweenkii ayay ka soo faraxasheen culimadii ayaa haddana geed ay uga gabto la’a.
    ws

  6. asc waxaan halakaan ka salamaa halgan.net iyo maxmed sharif oo sifiican uga hadalay been abuurka lagu been abuuraya sheikheena aadabaan ugu mahadsan tahay sidafiican oo aad uga hadashaya una soo koobataya si fiican baadan samaysaya somalimemo.net waxay qorayaana waa la fahamaaa in aay been abuura tahay waan wax aan ilaahay ka baqayana waxaan kula talin laahaa somalimemo.net in aay ilaaha kaga baqaan been aburka aay sheikh shariif iyo culumda kaleba aay ku been abuuranaayaan aay iska daaayaaan waa haday yihiin dad muslima sheeganaya ASC

  7. Asc waxaan halakaan ka salaamayaa dhamaan dadka muslimita aha ee ku nool adunka iyo Halgan.net aad baa u mahadsan tihin sida aad u so gudbisen waxaalayaba shiekh shariif cabdinuur xasan waa sheikh jecelaa inuu diinta dadka muslimiint garsiiyo maanta awooda baaka reebataya xaga caafimadaka waan wax la oga yahay in maanta sheikh lagu ben aburo maxaa kenaya somalimemo.net wax aay shabagada ku qorayso kam aayasan firsan ilaaha ha kacabasadeen oo culumada aya maalinaba mid ay ku been aburaayaan may iskadayaan oo ilahay ka baqaan

  8. Asc,Halgan.net Ilahay SWT ha idin cizeeyo idinka iyo dhamaan muslimiinta, Maxmed sheekh shariifna walal Jazaka Allahu khyran sifcn baad samaysay, al-shabab qof walba intay Soo dhafeen bay maanta Al-shaykh al-waalid al-muhadith been ka faafiyeen! Walle wadada ku socotaan tii Janada lagu gi jiray ma aha ee wado goodir baaad haysaan! Alle ha idin soo hadeeyo ameen.

  9. Salaamu calaykum

    aad baan ugu qanacsanaa Reer Ordaaye in beentooda laga daba tagi doono dhaqana ay u tahay beenta balse waxaa la yaabay codadkan ay isku keeneen iyaga bayba lid ku tahay tusale ahaan
    Sheekh Wuxuu diiday in umada lagu dilo Tuhun
    2-Sheekh Wuxuu yiri ka ilaaliya askarta gaalada la socta xabada
    3-markaad gaalo qarxineysaan muslinka ka ilaaliya.
    Su,aashu waxay tahay Al-Shabaab intaas ma ku dhaqmaan ilaahay baan idinku dhaarshaye

    Tan kale goorma buu Shabaab Sheekh Shariif Cabdi Nuur u ahaa Sh hadii uu sheekh u yahay maxay uga yeeli waayeen arimahan soo socda

    1-Shariif markii la doortay wuu taageeray
    2-Markii la doortay Cabdi qaasim wuu taageeray
    3-wuxuu diiday in la gaaleysiiyo dowladii C/laahi Yuusuf

    4-Wuxuu tazkiyeeyey Sh Umal oo yiri cilmiga ha laga qaato

    Marka Shabaabow gabalkiina wuu dhacay Culumadiina garabkiina waa ka baxday ee duurka gala waraabahana iska cuna walaahi waan idina difaacaneynaa culumada gacanba ha gaarto.waan u mahad celinayaa Maxamed Shariif Cabdi Nuur iyo Halgan.net

  10. bal dhugta habeen iyo maalin dad been utagan waxay isku darsaden xumaan ooddhan subxanalaah been waxba kuheli mayan ilahay sharkooda culimada iyo umada islamka haka qabto

  11. aswrwb walaalaha waaxaan kusalaamay salaamta islaamka ka dib waxaan ilaahay ugu mahadinayaa in uu inaga dhigay dad wax kala fahmaya waxaan dhegaystay warka ay somalimemo sheekha ka fidisay waxaanna akhriyey waxa ay qoreen oo ah inay sheekha gurigiisa ugu tageen oo soo wareysteen. su`aaaal?????????????? ma idiinla egyahah hadalku laba qof oo is hor fadhiya?su`aaal kale madadcaqli gaaban bay dadka sooomaaliyeed oo dhan umaleeyeeyn soomaali waxay ku maahmaahdaa beentu lug keliya bay leedahah hddii laqabtana way jabtaaa…ilaahay aan ubarino shabaabkeenna beenta diin looga dhigayo naftooda iyo ta muslimiintana lagu halligayo waxbadana masii socondoonaan dadka dhiiga islaamka sidaa hawshayar ku banaysanaya.illahayna xaqqa hainagu sugo hana inagu dilo aallahumma aaaamiiin

  12. asc wr wb walalyal inta an wax umada laso hor dhigin aya habon in la iska so saxo, in rux lagu ben aburtana kaba daran ,walayal anaga dhex dena xita wa in an iska qabana xad gudub yada ilen macsumin manahine sh.cumar faruuq ba islamnimadisa shaki la galiyay xaqiq ma aha o manan arak ani ahan teyda mel si sareex ah sogu galeysiyay marka laftirkena an alle ka cabsano o an ahaano dad an xad gudbin o diinta alle xududeeda yanan ka bodin ona sabab uga dhigin anaga nalagu xad gudbay.

  13. jasaakumullaahu khayran idinkana allaaha idin barakeeyo reer halgan.net halkaa kaga haya
    shukaran lakum

  14. waxaa wanaagsan nimanka beenta faafiya ee somaali memo in islaamka laga qabto oo la ogaado dadka qora websaykaasi dadka ay yihiin ,meesha ay cilmi yarida ka joogaa

  15. Subxaanallaahi Subxaanalaahi Alxamdulililaahi ilaahaygii i waafajiyay inaanan rumaysan waxa ay qoreen iyo waxa ay googeeyeen , waxaan kale oo ugu bishaaraynayaa oo bishaaro weyn ah in dad badan ay ogaadeen waxay ay yihiin nimankaan shaqada ka dhigtay wax la la yaabo waxaa kale oo bishaaro dadka jooga magaaladan aan joogo iyo kuwo kale oo aan wada xiriirno ma arag hal qof oo ku qancay beentii taxanaha ahayd ee ay qoreen wabsite yada lagu bartay been abuura ,waxa kale oo aan ogaaday in dadka ku qanca waxaan baas ay u badan yihin dad yar yar oo aqoontoodu hooseyso oo aan aqoon , dadka la caayayo
    ilaahay amarkii bal ilaahay baan idinku dhaarshee yaa yaqaana shariif C/nuur oo la yaabin sida geesinimada leha ee ay ugu dhiirteen beentaas Geesi sanaa
    Subxaanalaahi sheekh c/qaadir nuur faarax bay caayayaan ee talow xagee bay rabaan inay reerka u raraan
    Cumar faaruuq bay Muslim nimadiisa muran galiyeen ee ma habaarnaa in ilaahay Guryahooda ku fadeexyo mise ilaahay baan hanuun u waydiinaa
    ilaahay ha xifdiyo hana u naxriistee ma intaan kuwaas khayrka badan aan yeelno ayaan raacnaa mid koley ilaahay xaalkiisa ogyahay oo is qarinaya haday run sheegayaan maxay u sheegi waayeen oo u oran waayeen habel hebel hebel ayaa wareystay oo may inoo sheegaan magaca dadka wareystay oo sadexan aan aaakhiran ilaahay uga ashtakoono aduunkana ogaano caaqibadooda si dadku ugu cibro qaato
    ilaahay ha badbaadiyo kuwa yaryar ee saxwada ku cusub ee aan aqoon culumada wax laga sheegayo ee xamaaska iyo qiirada khayrka leh ee saaran looga faa’idaysanyo alxamdulilaahai ilaahaygii wax i fahansiiyay waqti kan ka khayr badnaa oo aan culumada la igu diri karin oo aan kala saaari karo wax jira
    ilaahay ha hanuuyo nin walba oo isagaoo khayr raadinya la khalday ilaahow badbaadi inta daacadu ka tahay aamiiin

  16. asc halgan ilaahay khayr aad iyo aad u badan ha idin siiyo waana idinka mahad celinayaynaa beenta aad kashiftaan, rabbina ceebtooda kashifo, golaha beenaalashaa iyo buhtaanta.

  17. asc halgan ilaahay khayr aad u badan ha idin siiyo waana idinka mahad celinayaynaa beenta aad kashiftaan soomalimemo dad aan ilaahay ka cabsanayn baa wax ku qora allaha soo hanuusho anaga iyo igaba culimadana allaha noo dhowro meelkasta oo ay joogaaan many thnks halgan

  18. Jazakumalahu Khyran ilaahayna ha idin xafido sida aad u ilaalinaysaan culimada soomaaliyeed.

    Somalimemo maanta waxay gaartay in culumadii ugu da’da weynaan ee ay ummadda soomaaliyeed ka aflaxeen ka been abuurteen.

    Ilaahay baa naga qaban oo ninka gacantiisa ku qoraa been abuur laga been abuurto qof muslim ay la mid noqoneyso kii hooyadii ka sineystay! Ilaahow naga hay aniga iyo idinkaba fool xumadaas. Wa bilaahi tawfiiq!

  19. Asc wrx wrb. Waa kalatagii golaha beenta iyo buhtaanka. Wali waxaaa fiiicnan laheed in al calaamah sh shariif si toos loola xiriiro. shartooda waa laga reesanlahaa

Leave a comment

*