Muslimiinta magaaladda Birmingham oo maanta si weyn u ciiday (Masawiro)

August 19, 2012 - Written by

Birmingham:-Waxaa maanta muslimiinta magaaladda Birmingham ay u dareereen masaajidadda ku yaala magaaladda, halkaas oo ay ka muuqatay qurux badanaan, iyaga oo isugu tahniyadaynayay Ciidan soonfureed oo ah maanta maalintii Koobaad. Masjidka wayn ee Birmingham Central Mosque ayaa laga arkayay dad aad u tiro badan oo buux dhaafiyay masjidka gudihiisa iyo dibadiisaba, kuwaas oo isugu jiray Rag, Dumar iyo caruur.

Waxaan salaada loo qaybiyay dhowr jeer oo ahayd 8 subaxnimo, 9kii iyo 10kii oo ay tukadeen qoladii ugu dambaysay dadka oo aad u tiro badanaa awgeed. Waxaan hadaanu nahay dhamaan walaalaha Birmingham ku sugay u rajeynaynaa walaalaha muslimiinta meel walba oo ay joogaan Ciid Wanaagsan anagoo leh Taqabalallaahu minaa wa minkum saalixal Acmaal –

Sawiradan hoos ku taxan ayaad kaga dhargi kartaa muuqalka iyo jawiga masaajidka gudihiisa iyo dibadiisuba siday ahaayeen. Waxaan ugu dambayntii U mahad celinaynaa walaalaha halgan.net oo mar walba u taagan gudbinta iyo fidinta diina islaamka, nooguna keena guryaheena wararka saxwadda meel walba oo ay ka dhacayaan.

no images were found

Waxaan leenahay Jazaakumullaahu khayral jazaa – Taqabalallaahu minaa wa minkum saalixal acmaal – Ciidukum mubaarak.

Maxamed Ibraahim Cawad
  Birmingham – United Kingdom

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online