Puntland oo eedeyn u jeedisay Madaxweynaha DFS Shariif Sheekh Ahmed

August 26, 2012 - Written by

Garowe:-Warsaxaafadeed ka soo baxay maanta dowladda Puntland ayaa waxaa ay ku cambaareysay madaxweynaha xilkiisii dhammaaday ee Sh. Shariif Sh. Axmed in uu ku wado faragalin, ku takrifal awoodeed, iyo carqaladeyn guddiga farsamada ee xulista golaha baarlamaanka cusub iyo halis gelin habsami u socodka hannaanka Roadmapka oo maraya xili gabagabo ah.

Dowllada Puntland ayaa warsaxaafadeedkaan cambaareynta ah ku xustay in madaxweyne Shariif oo xil kiisii madaxweynenimo uu ku ekaa 20kii Agoosto waa sida u dhignaaye ayaa sabtidii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ku qabtay kulan gaar ah, kaasoo uu kusoo saaray go’aanno aan waafaqsaneyn qaanuunka, kuwaas oo faragalin toos ah ku ah bey yiraahdeen hannaanka siyaasadeed ee marxaladda kala guurka, abuurayana caqabado hor leh oo is hortaaga nabadda.

Arrimaha ay Puntland ku eedeysay Shariif Sh. Axmed ayaa waxaa kamid ahaa inuu si sharci darro ah uu ku howlgaliyay maxkamadda sare in faragelin ku sameyso habsami u socodka shaqada guddiga farsamada ee xulista xubnaha baarlamaanka cusub.

Halkan ka Akhriso Warsaxaafadeedka Puntland ay soo saartay kuna eedeysay Madaxweyne Shariif Sheekh Ahmed

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online