Puntland oo Soo dhaweysay Doorashada Gudoomiyaha Cusub ee DFS

August 28, 2012 - Written by

Garoowe:-Dowladda Puntland ee Soomaaliya waxay u hambalyaynaysaa Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Avv. Maxamed Cismaan Jawaari waxayna uga tahniyadaynaysaa sida libta leh uu ugu guulay stay doorashadaasi.

Puntland waxay ku kalsoontahay in Gudoomiyaha Baarlamaanka cusub uu dhamaystiri doono waxyaalaha ka dhiman xoojinta dhismaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kuwasoo ay ka mid yihiin hirgalinta iyo ku dhaqanka Dastuurka Federaalka KMG ah, hirgalinta dhismaha Aqalka Sare ee Dastuuriga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo dhiirigalinta dhismaha Dowladaha Xubinta ah Dowladda Federaalka ee dhiman.

Puntland waxay rajaynaysaa in doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay u dhacdo sida tan oo kale, oo ah si cad oo cadaalad ah, waxayna ku dhiirigalinaysaa Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inay Madaxweynaha Soomaaliya u doortaan qof aamin ah, Dowli ah, awoodna u leh in uu wadanka ka saaro marxalada adag ay Soomaaliya marayso.

— DHAMAAD —

Warsaxaafadeed_Puntland

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online