Puntland oo u dabaal degtay xuskii ka soo wareegtey markii la yagleelay Puntland (Masawiro)

August 1, 2012 - Written by

Garoowe:-Waxaa ka socda maanta dhamaan gobollada iyo deegaanada ay ka arimiso Dowllada Puntland xaflado loogu dabaaldegayo 14 guuradii  ka soo wareegtey markii dhidibida loo aasay Maamulka Puntland oo ay ka soo wareegtay 14 sano.

Magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland ayaa waxaa ka socda xaflad lagu agaasimayo 14 guuradii ka soo wareegtay asaaskii Puntland waxaana xafladaas ka soo qeyb galay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole iyo kuxigeenka Madaxweynaha Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,gudoomiyaha baarlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,taliyaha ciidamada difaaca Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi(Saciid Dheere)  iyo wasiiro iyo madax badan oo ka tirsan 2 gole ee Puntland.

no images were found

Xaflada lagu maamuusayo markii la unkay Maamulka Puntland ee 14sano jirsaday ayaa waxay ka socotaa Fagaaraha Barxada Garoowe waxaana socd ku maraya Barxada Garoowe  qeybaha kala duwan ee ciidanka Puntland ardeyda jamacadaha iyo iskuulada .Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa khudbad ka jeediyey munaasabada lagu xusayo sanadguuradii 14aad ee markii la dhisay Maamulka Puntland waxaana uu shacabka Puntland ugu hanbalyeeyey maalinta 1-da August oo ku aadan munaasabada ka soo wareegtey asaaskii wuxuuna sheegay in khudbada ku aadan xuska Puntland uu caawa jeedin doono.

Amaanka guud ee magaalada Garoowe iyo xarumaha dowllada ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana la joojiyey dhamaan gawaarida kuwa raaxada ah iyo kuwa Xamuulka . ciidamo gaar ah oo ka tirsan ciidanka daraawiishta iyo ciidanka Badda ayaa loo xil saaray adkeynta amaanka , dadweyne aad  u fara badan ayaa ka soo qayb galay xaflada loogu dabaaldegayo sanadguuradii 14 aad ee ka soo wareegtay markii la yagleelay Puntlland.

M_M Deeq
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Maansha-allaah, waa wax lagu farxo kuna farxayaan dhamaad umada reer puntland LAAKIIN WAXAAN IDIN KA CODSAN LAAHAA MUNAASABADAAN OO VIDEO AH.

    Waad mahadsan tihiin.

Leave a comment

*