Puntland oo u dabaal degtay xuskii ka soo wareegtey markii la yagleelay Puntland (Masawiro)

August 1, 2012 - Written by

Garoowe:-Waxaa ka socda maanta dhamaan gobollada iyo deegaanada ay ka arimiso Dowllada Puntland xaflado loogu dabaaldegayo 14 guuradii  ka soo wareegtey markii dhidibida loo aasay Maamulka Puntland oo ay ka soo wareegtay 14 sano.

Magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland ayaa waxaa ka socda xaflad lagu agaasimayo 14 guuradii ka soo wareegtay asaaskii Puntland waxaana xafladaas ka soo qeyb galay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Maxamuud Faroole iyo kuxigeenka Madaxweynaha Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,gudoomiyaha baarlamanka Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,taliyaha ciidamada difaaca Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi(Saciid Dheere)  iyo wasiiro iyo madax badan oo ka tirsan 2 gole ee Puntland.
[nggallery id=209]

Xaflada lagu maamuusayo markii la unkay Maamulka Puntland ee 14sano jirsaday ayaa waxay ka socotaa Fagaaraha Barxada Garoowe waxaana socd ku maraya Barxada Garoowe  qeybaha kala duwan ee ciidanka Puntland ardeyda jamacadaha iyo iskuulada .Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Faroole ayaa khudbad ka jeediyey munaasabada lagu xusayo sanadguuradii 14aad ee markii la dhisay Maamulka Puntland waxaana uu shacabka Puntland ugu hanbalyeeyey maalinta 1-da August oo ku aadan munaasabada ka soo wareegtey asaaskii wuxuuna sheegay in khudbada ku aadan xuska Puntland uu caawa jeedin doono.

Amaanka guud ee magaalada Garoowe iyo xarumaha dowllada ayaa si weyn loo adkeeyey waxaana la joojiyey dhamaan gawaarida kuwa raaxada ah iyo kuwa Xamuulka . ciidamo gaar ah oo ka tirsan ciidanka daraawiishta iyo ciidanka Badda ayaa loo xil saaray adkeynta amaanka , dadweyne aad  u fara badan ayaa ka soo qayb galay xaflada loogu dabaaldegayo sanadguuradii 14 aad ee ka soo wareegtay markii la yagleelay Puntlland.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online