Puntlland: howsha guddiga farsamada ee xulitaanka Baarlamaanka TSC waa in la tixgeliyaa

August 18, 2012 - Written by

Garoowe:-War-saxaafadeed ka soo baxay Dawladda Puntland kuna qornaa Afka Ingriiska  ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay Puntlland ay kaalin wax ka oolah ay ka geystay  Roadmapka iyo in ay dadaal weyn ay ku bixisay sidii Dowllada Soomaaliyeed ay uga bixi lahayd xiliga ku meel gaarnimada. War-saxaafeedka ka soo baxay manta dowllada Puntlland ayaa waxaa kale oo lagu xusay in ay lagama maarmaan tahay in la dhowro shaqada ay hayaan gudiga farsamada  ee soo xulaya xilidhaanada DFS, dowllada Puntlland ayaa sheegay in aan la aqbali karin in cagajuglayn iyo handa daad loo geysto guddiga farsamada ee xulitaanka Baarlamaanka TSC.

War-saxaafeedka dowllada Puntlland ka soo baxay ayaa waxaa ay baaq u jeediyeen dhinacyada kale duwan ee madaxda Soomaalida waxaa ay ugu baaqeen in loo madax banaaniyo gudiga farsamada TSC howshiisa iyagoo ku amaanay in gudiga howshiisa uu ku saleeyey hishiiskii ka dhacay Garoowe,iyo Nairobi 4-6 August 2012. Warsaxaafadeedka dowllada Puntlland ayaa waxaa uu ku soo beeg may xili maalintii shalay la shaaciyey ilaa 202 xilidhaan oo ka mid noqon doono dowllada ay beesha caalamku u dhisi doonto 20 bisha August 2012.

Halkaan ka akhri warsaxaafadeedka ka soo baxay dowllada Puntlland oo ku qoran Af-Ingriis

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online