Ra’iisul Wasaaraha DFS Dr Cabdiweli Gaas oo kulan la qaatay wafti ka socda Dalka Kenya

August 14, 2012 - Written by

Muqdisho, Ra’iisul wasaaraha DFS Dr. Cabdiwei Maxamed Cali iyo xubno ka tirsan Golihiisa wasiirada ayaa maanta kulan la qaatay wafti uu hogaaminayo Xooghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Dibada ee Kenya Thuite Wmangi waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin iskaashiga ka dhexeeya labada wadan. Ugu horayntii Xooghayaha Joogtada ah ee Wasaarada Arimaha Dibadda ee Kenya ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay inay maanta soo booqdaan magaalada muqdisho.

“Aad ayan ugu faraxsanahay booqashadeena maanta waxaana u nimid inaan dib u howl galino safaaradeena, waxaa kale oo aan rabnaa inaan ka qayb qaadano howlaha soconaya oo ku saabsan sidii dalka loo xasilin lahaa isla markaan u xaqiijino joogitaankeena Muqdisho inuu macno weyn u samaynayo sidii dalka looga hormarin lahaa dhanka Amniga madaama uu dalku dib uga soo kabanayo colaadihii”

no images were found

Sidoo kale waxa isna meesha ka hadlay wasiirka qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga wuxuuna sheegay in ay ka wada hadleen waftiga sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeyey labada wadan, sida hormarinta dhaqaalaha, Waxbarashada, Tababarada shaqaalaha dowladda, Dhinaca canshuuraha, iyo sidii Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya loo siin lahaa tababaro.

Ugu danbayntii ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dowladda Kenya dadaalka dheeraadka oo ku aadan sidii Soomaaliya loogu soo dabaali lahaa nabad waarta, sidoo kale Ra’iisul wasaaruhu wuxuu soo dhaweyey dib u howlgalinta Safaarada Kenya ee magaalada Muqdisho.

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director,
office of the PM
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online