Ra’iisul Wasaaraha DFKM Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo dib ugu soo noqday Muqdisho

August 6, 2012 - Written by

Muqdisho,Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaaliga ee Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ka dib shir uu uga qeyb galay magaalada  Nairobi ee dalka Kenya kaa  oo ay isugu yimaadeen Saxiixayaasha Roadmap-ka.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigii la socday ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Wasiiro, Xildhibaano,Saraakiil, Ururada Haweenka, Dhalinyaro, Fanaaniin iyo shacab kale oo aad u fara badan.

no images were found

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka uu soo degay kadib saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka diyaaradda ee Aadan Cadde International Airport, Isagoona Sharaxaad kooban ka bixiyay Shirkii uu ku soo qaatay magaalada Nairobi iyo wixii looga hadlay.“Marka hore waxaan la kulaney Xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka ee Clinton waxeyna aad noogu mahadcelisay sida aan u meel mariney Hashiiskii Raodmap-ka, sidoo kale waxey noo sheegtay in dowladda Mareykanka ay mar waliba taageerayaan Shacabka Soomaaliyeed, waxeyna soo dhaweysay oo ay dowladda Soomaaliya u amaantay sameynta Dastuurka dalka. Waxaana inta badan ka wada hadalney Arrimaha Soomaaliya, Wuxuuna wada hadalkeenii noogu idlaaday si guul ah”.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in kulankii Saxiixayaasha ee Nairobi uu ku soo dhamaaday mid guul ah islamarkaana tilmaamay in ay sii wadayaan lagu hormarinayo Soomaaliya.

 —DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase

Communication Director,
office of the PM
Mobile: +252-616084650
+252-699270033
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online