Seminaro Hargaysa,Boorama, Boosaaso, Garoowe & Kafaalo Magazine oo gaaray wadankii & Waraysi BBC-da

August 7, 2012 - Written by

Boosaaso:-Kafaalo waxay bishii lasoo dhaafay kumartay safar dhawr maalmood ah magaalooyinka Hargaysa, Boorama, Boosaaso iyo Garoowe. Ujeedada safarkaan ayaa ahayd  gaarsiin Kafaalo Magazine wadankii, wacyi-gelin iyo bixin koorsooyin u baxayay qaab seminaaro oo ka koobnaa 3-qaybood:

ü  Soo bandhigid xog iyo tirokoobyo Soomaalida Yurub (Kafaalo Magazine)

ü  Tayeyn iyo Tababar macalimiin

ü  Wada-wadaagid fakar kusalaysan “Dib u Qaabeynta Qaab Fakarkeena”

Koorsooyinkaan-kan ayaa ahaa kuwo loogu tala galey oo ay kasoo qayb galeen dad mufakariin ah, waxgarad, culumo, jaamiciyiin hore, macalimiin jaamacadeed iyo macalimiin dugsiyo sare, ardayda jaamacadaha iyo wariyayaasha warbaahinadda dalka. Wafdiga Kafaalo ayaa dhankiisa ka koobnaa aqoonyahanno iyo macalimiin muddo dheer Yurub wax kadhigayay oo si tabaruc ah u bixinayay seminaradaas.

Seminaradaan iyo wacyi gelinadaan ayaa maalmo isdaba jooga ka socday magaalooyinkaas. Kafaalo waxay hawsheeda ka bilowday Hargaysa. Halkaan oo ay hawsha isla daadihyeen Beder Center for Future Studies & Consultancy, waxaana lagu soo bandhigay hoolka City hotel. Kadib wafidigii Kafaalo waxay usii gudbeen magaalada Boorama oo ay si gaara tababar usiiyeen 140 macalimiin ee ka socday dhawr iskool oo kala duwan iyo dalladaha la isku yiraahdo Al-Aqsa iyo Ubaya Ibnu Kacab. Kadib waxay Kafaalo usii gudubtay Boosaaso iyo Garoowe, magaalooyinkaan waxaa Kafaalo hawsha kala shaqeynayay Jaamacadda East Africa iyo Chamber of Commerce Puntland. Sidoo kale waxay Kafaalo qayb kanoqotay seminar ay martigelisay shirkadda Golis oo ay soo qaban qaabiyeen ururka saxafiiyinta Soomaaliyeed (NUSOJ) oo xaruntoodu tahay Muqdisho.

no images were found

 

Guud ahaan magaalooyinkaas waxaa seminaradaas kasoo qayb galey ilaa 315 ruux oo ah dadkii loogu tala galey. Waxayna kucabireen dareenkooda inay seminaradaas ahaayeen kuwo wax ku ool ah oo ay si wacan uga faa’iideen iyo warbixinada Soomalida Yurub ee kuqornaa Kafaalo Magazine. Isla markaana fariintaas usii gudbin doonaan bulshada inteeda kale.

Waraysi BBC Laanta Af-Somaliga
Sidoo kale Kafaalo waxay wadanka gaarsiisay dhawr boqol oo nuqul oo ah Kafaalo Magazine. KM ayaa ah magazine cilmi-baaris oo si faahfaahsan uga warbixinaya tirikoobyada Soomaalida Yurub dhan bulsho xagga ragga, dumarka iyo caruurta, dhan dhaqaale xagga shaqada iyo dhan waxbarasho xagga jaamacadaha iyo iskuulada. Kadib laanta BBS Somaliya oo warbixintaan heshay ayaa waraysi la samaysay Masuulka Kafaalo Magazine Mukhtar Qoransay. Waraysiyada waxaad kadhagaysan kartaa hoos.
[audio:http://k004.kiwi6.com/hotlink/yat5obece0/wareysi_bbc1.mp3] Ama Halkan Mp3

Maamulka Hay’adda Kafaalo
Wakhtiga xafiiska:16:00-21:00
Postadresse: Postboks 9351,
Grønland, N-0135 Oslo Tlf: (+47)21646815 Tlf: (+47)21646816 Mob:(+47)45809791
Tlf Kafaalo Sverige:(+46)0850383272
Tlf Kafaalo Danmark:(+46)46990984 Tlf:
Kafaalo UK:(+44)02080991471
BBC

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online