Sh Maxamed Umal oo ka hadlay Dastuurka DFKM , Al-Shabaab iyo Marxaladda kala guurka (Dhageyso)

August 15, 2012 - Written by

Sh Maxamed Umal, ayaa  ka hadlay Dastuurka Soomaaliya, Al-Shabaab iyo Marxaladda kala guurka ah. Sheekh Maxamed Cabdi Umal, oo wareysi gaar ah siiyey idaacadda voa-da, ayaa sheegay in Marxaladda dalka Soomaaliya marayo ay tahay mid adag, balse waxa uu rajo ka muujiyey in laga bixi doono.

Sheekha, ayaa sheegay in Culimada Soomaaliyeed ay ka mid yihiin shacabka, isla markaasna iyaga oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada ay wadaan dadaalo dalka lagu badbaadinayo.

Al-Shabaab

Sh. Umal, ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka mid yihiin umadda, isla markaasna loo baahan yahay inaan si gaar ah loo takoorin, wuxuuna intaas ku daray inay jiraan dad iyaga ka cilmi iyo waaya-aragnimo badan, loona baahan yahay in arrimaha colaadda iyo nabadda looga dambeeyo dadka khibradda u leh.

Sheekha uu hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in wixii Al-Shabaab hagaajiyeena la qaato, wixii ay khaldeena laga saxo, fursadna leysu siiyo iyaga iyo culimada si arrimaha leysugu dayo in loo saxo, wuxuuna Sheekhu carrabka ku adkeeyey inaaney waxba soo kordhineyn in la laayo meeshana laga saaro maadaama ay dalka u dhasheen badankood. wuxuu kaloo Sheekhu sheegay in ciidamo shisheeye oo aan dalka u dhalan ay joogaan.

Dastuurka

Sh. Umal, ayaa sheegay in Soomaalidu ay tahay muslim, isla markaasna dhibka haysata uu qeyb ka yahay Caro Illaahay, wuxuuna ka digay in mar kale la ilduufo, isagoona ku adkeystay in Shareecada Islaamka lagu saleeyo wax walba oo umadda loo dajinayo.

Sheekha oo la weydiiyey waxa ka khaldan Dastuurka Soomaaliya, ayaa sheegay in laba loo kala qaado Dastuurka:

1- Wixii Xalaaleyn iyo Xaaraameyn ah in Ilaahay uu gaar u leeyahay lana faragashin karin.

2- Wixii xeer hoosaad ah oo aan khilaafsaneyn shareecada Islaamka in lagu dhaqmi karo dhibna ayan laheyn.

Sheekha, ayaa sheegay in qodobo ka mid ah Dastuurka oo ayna ka mid yihiin qodobka xornimada diinta, iyo u hoggaansamidda qawaaniinta caalamiga ah oo si duuduuban loo aqbalo, inay yihiin qodobo khaldan, isla markaasna loo baahan yahay in meesha laga saaro.

Qodobka u hoggaansamidda qawaaniinta Caalamiga ah, ayuu Sheekhu sheegay in duuduub ahaan aan loo qaadan karin, ayna haboon tahay in shardi looga dhigo wixii aan shareecada khilaafsaneyn, maadaama aan markii hore shareeco Islaam lagu saleynin.

Hadalka Sh. Umal, ayaa waxa uu imaanayaa xili dalka Soomaaliya uu kujiro xaalad kala guur ah, dhawaanna la ansixiyey Dastuur cusub oo uu dalku yeelanayo.

Hoos ka Dhageyso wareysiga Sheekh Maxamed Cabdi Umal uu kaga hadlay arimo badan oo uu siiyey Idaacada VOA

[audio:https://halgan.net/Mp3/wareysi_umal.mp3] Ama Halkan MP3

Halgan.net
Somalireal
Codka VOA Somalia

2 Comments so far

Leave a comment

  1. dalmaroow, waa beentaa oo shabaab dadka kasoo wada horjeeda maysan gaalaysinin dhamaantood, sheekh umalna run buu sheegay, wiilashu waa wiilasheeni wax haba ka khaldanaadee , anaga iyo ayagana allaha na wada hanuuniyo marka nacaybka aad uqabtid rag gaan xuduuda yeyna kula talaabin, allaah na taas waa inaga reebay.

  2. Sheekh Umaloow sidee loo hagaajinaayaa hadii Al-Shabaab ay leedahay Muslimiinta ka soo horjeeda waa murtadiin oo ay dil kuwada xukuntey?…

Leave a comment

*