Shirkii Saxiixayaasha Roadmapka oo lagu soo gabagabeeyey Nairobi

August 5, 2012 - Written by

Nairobi:-Shirkii 6 Saxiixayaasha uga socdey magaalada Nairobi ayaa dhawaan la soo afmeeray waxaan hadda saxaafada la hadlaya Ra’iisul wasaaraha Dowllada Federalka Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali iyo ergeyga gaarka ah  ee Qaramada Midoobay u qaabilsan  arrimaha Soomaaliya Dr Ausgostine Mahiga.

Shirka Jaraa’id ee ay si wada jir u qabteen Ra’iisul wasaarha DFS Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo  Ergeyga gaarka  ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya  Mahiga ayaa waxaa ay sheegeen in shir kii saxiixayaasha uu guul ku dhamaaday wixii laga wada hadlayna laga hishiiyey marka laga reebo Madaxweynaha DFS Sh Shariif Sh Axmed oo shirk ka baxay saaka tegay magaalada Muqdisho.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay ayaa Halgan.net u sheegay in khilaafka ugu weyn uu ka taagan yahay qaabka loo soo xulayo baarlamaanka dowllada la dhisi doono iyo cida soo xulaysa iyadoo arrinkaas uu salka ku hayo loolanka siyaasadeed ee u dhexeeya hogaamiyaasha soomaaliya oo ay ku doona yaan in ay ku guulaystaan doorashada dhacaysa 20 Augusta ka dib oo beesha caalamku ay gacan weyn ku leedahay.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sh Axmed ayaa ka biyo diiday qaabka loo soo xulayo xilibaanada ka imaanay Gobollka Sool iyo in doorashada Madaxweynaha laga soo hormariyo tan guddoomiyaha baarlamaanka iyo isagoona codsaday in wax laga bedelo gudiga soo xulida baarla maanka arrinkaas oo saxiixayaasha Road Mapka ay ka diideen Madaxweynaha taasna ay sababtay in uu shirka ka baxo balse shirka ayaa markii danbe waxaa la isku raacay in doorashada madaxweynaha laga soo hormariyo tan guddoomiayah baarlamaanka.

Dhinaca kale Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku adkeysanaya in xilibaanada ka qayb galay dowllada cusub ee ka imaanaya Gobollada ay Puntlland ay maamusho  ay soo xulitaankooda ay ku yeeshaan talo aana loo gacan dhaafi karin Raiisul wasaare Cabdiweli Gaas xilibaanada aad la iskugu hayo waxaa weeyey xilibaanada ka imaanaya Gobolka Sool iyo dhinac Ahlusunah.

Warkaan wixii faahfaahin ah oo ku soo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa insha allaahu.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
2728293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online