Tafsiirkii Quraanka ee Sheekh Dr Cali Maxamed Saalax ee ka baxay Halganwebtv [Daawo Video]
August 7, 2012 - Written by
Oslo:Waxaa ugu bishaaraynaynaa dhamaan walaalaha Soomaaliyeed ee ku xiran tafsiirka quraanka Kariimka ee ka baxa masjidka Towfiiq ee magaalada Oslo uuna akhriyo Sheekh Dr Cali Maxamed Saalax in dadkii uu dhaafay tafsiir kii baxay maalmihii la soo dhaafay ay ka daawan karaan Halgan.net oo Maqal iyo Muuqaal ah waxaan dad weynaha uga cudurdaaranayanaa dib u dhaca ku yimid darsiga sababo la xiriira dhinac farsamada.
Haddii aad doonayso in aad mid mid u daawato Duruusta baxday ee Tafsiirka Quraanka fadlan mid mid u dooro iyadoo marka ugu horaysa waxaa kuu shidmaya darsigii u danbeeyey ee Tafsiirka. Sheekh Dr. Cali Maxamed Saalax ayaa waxaa uu dib u bilaabay Tafsiirka quraanka Bisha ramadaan waxaana darsiga uu si Maqal iyo Muuqaal ah si live ah uga baxaa Halganweb Tv station saacadu marka ay tahay 17:20 uk time , Sheekh Dr Cali ayaa waxaa uu tafsiirka ka bilaabay Suuratul Kahfi iyadoo qorshahu uu yahay in uu Sheekhu uu tafsiirka dhameeyo haddii aysan wax kale oo duruuf ah iman insha Allaaaaaaaaaaaahu.
Dhamaan casharadii Tafsiirka Quraanka ee ka baxay Halganwebtv uuna akhriyey Sh Dr Cali Maxamed Saalax Hoos ka Daawo.
Masjid Towfiiq
Oslo, Halgan.net

.gif)

