Waa la i wataa W/Q Sheekh Xasan Maxamed Ibraahim (Abu Xasaan)

August 16, 2012 - Written by

Akhristayaal waxaan halkan idiinku soo gudbineynaa maqaal la magac baxay “WAA LA I WATAA” laguna faafiyey qaar kamid ah website-yada Soomaalida sanadku markuu ahaa 2004tii, xilligaas oo uu socday shirkii Imbegaati ee lagu soo dhisay DFKMG ah. Maqaalkan oo uu diyaariyey Sh. Xasan Maxamed ayaa waxaan akhristayaasheenna ugu soo celinnay 28kii Oktoobar 2008 ahmiyaddiisa darteed, xilligaas oo lagu jiray tartankii madaxweynenimo ee lagu soo dhisay Shariif Sh. Axmed si ay akhristayaasheennu uga dheehdaan sida waqtigu ugu markhaati furay dhiilladii uu maqaalku ka digayey sanadkii 2004ta iyo isu ekaanshaha ka dhexeeya xilliyada kala duwan ee taariikhda, waxaana horay loo yiri taariikhdu iyadaa dib isu soo rogaal celisa, ee akhris wanaagsan.

Waa la i wataa!!!

Eray bixin siyaasadeed oo cusub 

Dadka afsoomaaliga yaqaana markii ay maqlaan qof ku dhawaaqaya erayga ah (waa la i wataa) maskaxdooda waxaa ku soo dhacaya in qofkaasi dhibban yahay oo gurmad iyo kaalmo u baahan yahay, sida badanna kalmaddan waxaa adeegsada dhawr qof mid uun:

1.  Nin biyo la tageen oo tog dhuftay ama webi la daaday oo dadka codkiisa maqlaya ama ku dhaw ka tuugaya inay u fara godaan oo samata bixiyaan.

2.  Qof waraabe la tagay, ama libaax bawdka kala baxay, ama yaxaas qaatay oo laftiisu in laga dhigo u qayla dhaaminaya .

3.  Nin cadaw qafaashay oo raggiisii u cataabaya oo ku taamaya in colka laga rido.

4.  Qof lagu jiro oo duulal wataan oo marka la waydiiyo ficillada uu ku kacayo qaarkood jawaab uga dhiga inaan waxba gacanta ugu jirin oo jiman ku adeeganayaan, isaguna wuxuu u baahan yahay in Qur’aan lagu akhriyo ama la cashiriyo si duulalku uga baxaan oo uu xaaladdiisii caadiga ahayd ugu soo noqdo.

Isticmaalladaas kala duwan ee eraygani luqad ahaan leeyahay waxaa ka dhexeeya macnaha tusinaya qof laga taagroon yahay oo aan rabitaankiisa ku soconin khatar ama dhibina haysato oo ku rayn lahaa wax u gargaara.

Dadka soomaaliyeed ee aan wali doorsoomin dhaqan ahaan iyo maskax ahaanna waxaan filayaa haddii ay maqlaan qof leh waa la i wataa inay isla markiiba ka fakari lahaayeen sidii ay u caawin lahaayeen ama gacan ugu fidin lahaayeen qofkaa cataabaya, hase yeeshee sida wax badaniba isu baddaleen ayaa isticmaalka kalmaddanina isu baddashay, waxayna ka mid noqotay kalmadaha ku soo biiray qaamuuska siyaasadda ee waliba ku soo baxay shirarkii dib u hesheesiinta Soomaalida loo qabanayay burburkii dalka ku dhacay ka dib.

Ragga soomaaliyeed ee xilligan siyaasadda u tafaxaytana waa eray ay aad u yaqaannaan, isticmaalkiisana ku wardiyaan gaar ahaan markay dadka ku dhawdhaw uga waramayaan rajada ay ka qabaan inay madax noqdaan, kuwa aan xishoonayna fagaarayaasha ayayba kaga hadaaqaan, si bulshadu u rumaysato inay madaxdii mustaqbalka yihiin.

Siyaasiyiintan cusubi sidee ayay haddaba eraygan cusub u isticmaalaan? Sida aan soo sheegnay ragga eraygan isticmaala waa ragga ku jira loolanka madaxwaynanimada baylahda noqotay ee nin waliba hunguriyaynayo, adeegsiga erayganna waxay uga socdaan inay ragga la tartamaya ama mucaaridka ku ah ama la jaalkaba ah ee aanay u muuqan fursad uu ninkani madax weyne ku noqon karo u rumaystaan inay dhab tahay inuu madaxnimo helayo, macna ahaanna waxay ula jeedaan in ay shisheeye ku xiran yihiin oo ay u adeegayaan, shisheeyaha ay raacsan yihiinna la rabaan madaxnimada dalka oo ay ku kaalmaynayaan say u heli lahaayeen.

Ragga lagu jiro ama la wato laftoodu waa laba nooc :

1.  Mid lagu jiro oo si dhab ah loo wato dano gaar ahna laga leeyahay hadafkuna yahay inuu danahaas fuliyo haddii uu madax noqdo, sida qaalibka ah raggaas dadka wata waa Xabashi kuwo kalena waxay dabasocdaan Maraykan ama yurub.

2.  Kuwo naftood hafar ah oo haddii maalin gaal salaamo ama habar Sooro ahi isla taagto ay la tahay in la wato oo lala rabo inuu xukunka waddanka qabto. Waxaa kale oo aan kuwaan ka fogayn kuwo askarta xuduudaha joogta ee xabashida ah xog iyo hadiyadaba u geeya oo ku dhudleeya oo ay la tahay in waddada xukunku halkaas uun ay marto.

Si kastaba ha ahaatee labadaas noocba waxay ka siman yihiin in shaqada ay qabtaan ay u badan tahay midda ay is leeyihiin way raalli galinaysaa dadka wata ama ay la tahay inay wataan; si kastaba dadka iyo dalkuba ha u dhibsadaane, ficillada ay ku kacayaan ee aan tafsiirka lahayna waxaa la fahmi karaa marka xagashaas laga soo akhriyo.

Dadka noocan ahi waxayba qiil-qiil galiyeen dadkii haystay shuruudihii ay dhab ahaan u baahnayd madaxnimadu, hadday tahay diin, waddaninimo, aqoon iyo waliba taageero uu ka haysto shacabka, waxaan maalin walba maqalnaa hebal oo siyaasi soomaaliyeed ahaan jiray shirka waa loo diiday, maxaa yeelay isaga cidina ma wadato!.

Maxaa haddaba inagala gudboon wax ka qabadka dadka la wato? Wadashada noocan ahi waa khiyaamo qaran waa daba dhilifnimo ama jaajuusnimo marka aynu ku hadlayno afkeennii hore ama garaadkeennu bad qabo, nin la watana wuxuu ka shaqaynayaa in waddanka iyo dadkiisaba la qaato ( la wato) sida uu isagu xornimadiisii u lumiyay inuu madax banaanida wadanka iyo dadkaba u lumiyo, waxayna ila tahay in si arrintaas wax looga qabto loo baahan yahay :

1. In beelaha ay ka soo jeedaan nimanka la wato ama ay la tahay in la wato inaga qabtaan dadkan lagu jiro ee laga dhax hadlayo oo ay madasha wax lagu qaybsanayo keenaan dad fayow oo beeshooda iyo Soomaaliba matali kara .

2. Hadii raggaasi jagada isku dhajiyaanna waxay ila tahay inay dadaal ku bixiyaan sidii ay uga dhigi lahaayeen waxa wata, haddii Iblayska wataa aad u waynyahayna Tawxiidka ha u qabteen, waxaa igu maqaala ah shaydaanku aadaanka wuu ka cararaaye ! haddii ay ku filan tahay in la cashariyo oo Qur’aan la saarana bal ha lagu eego, waliba waxaan ku talin lahaa in loo joogteeyo inuu shanta wakhti masaajid ku tukado si aafadu uga hadho.

3. Dadka Somaaliyeed ee ay dadnimadu ku danbayso iyana waxaa laga rabaa inay diiradda saaraan dadka noocan ah oo ay ka shaqeeyaan haddii iyaga cadawga laga dhigi waayay in ummadda laga reebo; si aan dadkoo dhan waraabe ula tagin  waddankana balaayo u qaadan.

4. Ragga la wato ama ay la tahay in la wato iyagana waxaa la gudboon inay is dabiibaan oo ay shaydaanka iska naaraan maxa yeelay waxaani waa cudur halis ah oo qalbiga kaga dhacay qofka cudurkaas qabana wuxuu halis u yahay inuu aakhiro iyo adduunba seego haddii aanu is daba qaban, raggaasina waa inay ogaadaan daawadoodu inay Qur’aanka oo kaliya ku jirto haddii ay cudurkaas u dhintaanna inay adag tahay, in ay naar ka badbaadaan aduunkuna waa maalmo tirsan aakhirona waa nagaadi.

Haddii ay taas diidaanna waa inay ogaadaan inayna taariikhdu u turin dadka la wato ee jirradan oo kale qaba oo waliba ay jiraan bogag lama illaawaan ah oo khiyaanadooda lagu diiwaan-galin doono oo la dhagxin doono qabrigooda, markii la soo hadal qaadana la lacnadi doono sida horayba ugu dhacday (Abuu Riqaal ) oo ahaa ninkii uu watay Abraha ee tusayay waddada kacbada loo sii maro; si uu u dumiyo.

Haddii ay taasi u dhaadhici waydana waxay ila tahay  inay naftooda uga turaan masaa’ibka aan soo daahin ee ku dhaca dadka qaba jirradan wadashada ah, nin ay la dagtana malaha waxaa u danbeeyay Axmad Jalabi-gii reer Ciraaq gaalada ku soo hoggaamiyay maantana cidla yaxooba oo waliba la sugayo in Urdun loo dhiibo si loogu maxkamadeeyo lacago hore oo uu lunsaday!!!.

Meel kililka shanaad xabashidu u bixisay lafteeda dad badan baa ku caddiban oo jirradani ku dhacday maalin walbana waxaan maqalnaa kii la watay jeelkaa la dhigay, maantana mid kalaa la wataa !!!.

Seekh Xasan Maxamad Ibraahim
Abu Xasaan
xasanyare@msn.com

3 Comments so far

Leave a comment

  1. asc walaal ilaahey wanaag haku jazeeyo walaalkii qoray fikradaan iyo kan sooo gudbiyaba waa fikrada saliim ah oo cafimad qabto wuna asiibay walalkeen allaha naga qabto kuwa adeegayaalka ah ee la wato

  2. Asc salan kadib ilah aya maxad iska leh nebi maxmed n.n.k ha ahato maxadas alle s.w.t kadib waxa maxadsan shekha maqalka so qorey iyo ninki so gudbiyey waxan allah xaqa ah ka barya iney ku wana qatan kuwa lawato ilaheyna naguma dhigo kuwu la wato amin amin

  3. asc wrwb

    Mahad oo dhan rabi baa leh amaan iyo nabad galyo nabiga muxamed scw dushiisa ha ahaato intaas

    Sheekh Abuuxasaan jazaakallaahu kheyran wa kheral jazaa maqaalka aad soo gudbisay xasuusin qodobka 2 baad waxaad tiri sida (waxaa igu maqaala ah shaydaanku aadaanka wuu ka cararaaye ) sheekhaa aadanka iyo uu sheeydaanka ka cararo wax dadsheegay ma ahanee waa xadiis rasuul scw waxaa ku haboonaa in aad dhahdidi waxaa jiray xadiis oo uu nabiga lee yahay scw sida waankan xadiisa (إذا نودي بالصلاة أدبر الشيطان وله ضراط حتى لا يسمع الأذان، فإذا قضي الأذان أقبل، فإذا ثوب بها أدبر، فإذا قضي التثويب أقبل، حتى يخطر بين المرء ونفسه يقول: اذكر كذا وكذا ما لم يكن يذكر، حتى يظل الرجل إن يدري كم صلى؟ فإذا لم يدر أحدكم كم صلى ثلاثاً أو أربعاً فليسجد سجدتين وهو جالس
    jazaakallaahu kheyran sheekhanaa wsc wrwb

Leave a comment

*